Madaxweynuhu codsigiisa wuxuu ku beegsaday dhammaan dadka ...
Waxan baraha bulshada ku arkayay dhalinyaro xisbiga Waddani ka tiran oo qudbadii madaxweynaha doonaya inay falanqeeyaan oo leh: muuse biixi soomuu hadal qaadin horseed hadaba intan yar fahma.
Madaxweynuhu codsigiisa wuxuu ku beegsaday dhammaan dadka reer somaliland waana sax hadalkiisu, waa inaad fahantaa inay jiraan Urur siyaasadeedyo kale oo Xisbiga kulmiye la xulafo ah sida ururka hillaac, madaxweynuhu marku reer somaliland oodhan la hadlayo afkiisa maaha inuu hal urur oo kaliya u ololeeyo maadama ay jiraan ururo kale oo kulmiye la safan markay timaado murashaxa madaxweynaha.
Intaa markaad ka gudubto miyaa la dafiri karaa taageerada balaadhan ee ururka horseed ku leeyahay deegaanada beesha madaxweynaha,
Waa hawl si taxadar leh looga shaqeeyey oo midhaheedii muuqdaan.
Adeer siyaasadu marna haay bay tagaysaa marna loow bay tagaysaaye haku hafanina intaad taqaaneen way dhaaftaye.