Xubno Mihiima Oo Hadda Iska Casilay Xisbiga Kulmiye & Magacyadooda.

Thursday October 24, 2024 - 01:49:36
Hadhwanaag
"Xubnahan hada iscasilay ayaa kala ah …"

 

Hargaysa (HWN) Afar xubnood ayaa hadda iska casilay Guddiga Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal.

 

Xubnahan hada iscasilay ayaa kala ah

 

1. Gudoomiyihii Gudiga Kaambaynka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Cabdicasiis Diiriye Daahir.


2. Madaxa maaliyada Xisbiga Kulmiye Ahna Xubin kamida gudiga Kaambaynka Ee gobolka Awdal Hibo Cabdi Yuusuf.


3. Hinda maxamuud Tubeec Gudoomiyihii garabka Haweenka ahna xubin ka mid ah  gudiga Kaambaynka ee gobolka Awdal.


4. Mustafe Cabdi Axmed oo ah Xubin ka mid ah guddiga kaambaynka ee gobolka Awdal horena u ahaa Xoghayihii hore ee gobolka Awdal.

 

Iscasilaadan ayaa ku soo beegmaysa xili uu Somaliland ka socdo ololaha doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Somaliland, tani ayaana laga yaabaa inay wiiqdo xisbiga Kulmiye ololihiisa Gobolka Awdal.

     
Loading...