Ka aan nagu fillaynoow adoo dhacay ku sii faasho.

Thursday October 03, 2024 - 07:57:32
Hadhwanaag
Faduul gabaygu iigama tagiyo faan ku socodsiiye,


Gabaygan caqiibada leh wuxuu Suugaanyahan Jaamac Axmed Jaamac (Gacmadheere)

tiriyey xilli ku beegnaa 1965kii, xiligaa oo ay wadanka ( Soomaaliyadii hore ) ka talineysey Dowlad rayid, dimuqraadi qabyaalad ku dhisan ah, sida tan Jamhuuriyadda Soomaalilaan ee dhaqanka iyo diinta ku dhisan. Waa gabay waano iyo waxsheeg ah oo ku jeeda Dawlad iyo

Shicibba, Illaahay Janadii Fardowsa ha geeyee tixdiisii Waano oo aan 20 Gu' ku noqnoqon jirey idina ila akhriya, wuxuu yidhi;

 

Faduul gabaygu iigama tagiyo faan ku socodsiiye,

Meel ay ka fiigtey baan sidii Fiqi istaagaaye,

An fasiro murtida fiican waad iga filayseene.

Fadkoo hooray roobkoo arliga lagu fillaysiiyey,

Dhirtoo faraqle geedaha dhulkoo firidhku soo yaacay,

Daadkoo fatahay Jeexyadoo Farawgu dhaabmaayo,

Fannigii kastaba Xoolahoo fiito ku ekaaday,

Faraskiyo Lo'diyo Geela iyo Adhiga kuu foofa,

Lacag foonsan daar Fooqyo leh oo Foom ku soconaayo,

Anigana Falaagga(calanka) oo qudhaa iiga farax weyne,

Waxaan faraca diimeed ahayn igala fiicnaay,

Ninkii foronta galayoow wixii kugu habboon fiiri,

 

Kii lagaga Fawsoow waxaad filatay haw qaylin,

Kii meel fadhiistoow shacbiga ha iska fiindhaynin,

Kii fuudhadh yeeshoow inaad furatay hays moodin,

Kii Jago Fakaansiya heloow hays fadqalalaynin,

*Kaan nagu fillaynoow adoo dhacay ku sii faasho,*

 

Nin adduunki fara leeyahoow feebarka ha diidin,

Nin Faqiirahoow sabir Illaah ferejki baa dhaw e,

Nin Furaash ku seexdoow nabsiga ha isu fududaynin,

Nin qabiil ku faanoow kan kale ficilka haw muujin.

Nin faseexiyoow hadal markaad farac u doodayso,

Nin fidmow guntadayoow arrini filiqtankaa maaha,

Nin walaalki faallaynayoow yay fashilin taadu.

Ninkii laga fajacayoow waxaad fali lahayd jooji,

 

Milateriga Fooska u baxoow ficilkaa hooy daaya

Fadhadhlaa Bilayskoow ka dega faraska leedaa ah,

Fad hadduu onkodo reer miyoow haysku fara saarin,

Nimanyohow tijaarada furtaa yuu fasidin iibku,

Fiqigiyo wadaadkoow ka taga faq iyo laaluushka,

 

Odayada Shaxda u fooraroow foodda kor u qaada,

Hablayohow maryaha Fooddaddiyo faydashada jooja,

Innamada filkiinnaa dambowna fiid baxsiga daaya,

Diintaa Furqaan iyo wixii Farad ah xoog yeela,

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

London, England.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...