Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo taariiqda waxbarasho

Sunday September 29, 2024 - 17:43:16
hadhwanaagnews
Waxa aan u mahadnaqayaa qof kasta Oo safaradaydii..

No description available.

Waxay ujeedadaydu ahayd inaan ilaa PhD degree qaato kolkaan anigoo da' yar Maraykan soo galay. Haddaba wiigii ina dhaafay maalintii Isniinta ee September 23 keedii sanadkan 2024, ayuu Ilaahay igu gargaaray inay riyadaasi rumowdo. Waxaan ku soo gabogabeeyey kolkii aan difaacay "dissertation/thesis" kii Jaamacadda weyn ee dalka Maraykanka Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies. Jaamacaddan oo ka mid ah 10 ka Jaamacadood ee dalka Maraykanka kuwooda ugu sareeya kolka la qiimeeyo.

Waxaan ku takhasusay arrimaha Dibadda ( International Affairs) iyadoo takhasuskayga hoosena yahay Siyaasadda Dhaqaalaha ( Political Economy). Waxaan oofiyey balantii aan aabahay la soo galay kolkaan soo dhoofayey Ilaahay haw naxariistee iyo hooyaday oo iyadu iigu ducaysay Ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba haw barakeeye. Adeero Axmed Ciise Cawaale Oo ahaa qofkii ugu danbeeyey ee i soo anbabixiyey ayaan balankiisii isagana oofiyey.

Kolkii gudiddii difaacu ay igu hanbalyeeyeen guusha ee lay bishaareeyey ee ay yidhaahdeen " Congratulations Doctor!!" ayaa waxa aan markiiba galay xasuus ah maalintii iskuulka fasalka koowaad layga qoray dugsiga hoose ee magaaladda Sheekh. Subaxdii imtixaanka quraanka layga qaadayey waxaa i qoray iskuulka Awoowgay Aw Faarax Cabdi Oo soo koriyey aniga iyo aabahayba. Kolka laga yimaado waalidkay, Aw Faarax Ilaahay naxariistii jannadda ha ka waraabiyee waa qofka ugu horeeya ee guushan leh maanta. Isagoo ahaa aabahay adeerkii ruma soona koriyey waxna soo baray kolkii aabahay iyo walaaladdii ay agoon noqdeen. Maalintaa uu iskuulka uuladda i qorayey waan xasuustaayoo wuu ii duceeyey waxaanu iiga sheekeeyey siday aabahay iyo walaaladdii tacliinta ugu fiicnaayeen iyo waxa layga filayey. Sanadkaa ugu horeeyey dirqi baan ku baasay.

Waxaa iskuulka isaguna Waashman ama waardiye ama ilaaliye ka ahaa awoowgay kale Cabdillaahi Cabdi ( Haydal) Oo isaguna aabahay adeer ruma u ahaa aadna ii dhiirigelin jiray Ilaahay haw naxariistee. Shakhsi cajiiba Oo isagoo xoolo badan qaadan hadana isku hawli jiray inuu wiig kasta lacag nusasaace ah i siiyo ayuu ahaa. Ninka iskuulka imtixaanka iga qaaday oo ahaa maamulahaygii dugisiga hoose ee magaaladda Sheekh waxa magaciisa la odhan jiray Maxamuud Sheekh oo berigii danbena noqday maamulaha dugsiga dhexe ee degmadda Sheekh isagoo arday badan wax soo baray ayaa ay ardayduna u bixisay naaneys ahayd 'Kood'. Wuxuu ahaa macallin fiican Oo adag, Ilaahay haw naxariistee.

Sawirka qalin jebinta ah ee lifaaqan la socdaa Wuxuu ka turjumayaa shahaado kale Oo ka horeysay tan oo aan iyadda ka diyaariyey Jaamacad kale Oo la yidhaa Southern New Hampshire University ee isla Maraykanka oo aan ka diyaariyey Masters of Fine Arts ( MFA) nonfiction Writing oo ah degree ay qorayaashu diyaariyaan. Waa markii afaraad ee fields ama xayndaabyo kala duwan aan iskaga goosho. Ilaa sanadkii 2018 kii waxaan ku jiray hawlo ii gaara oo ay labaddan degree ka mid yihiin.

Waxa aan u mahadnaqayaa qof kasta Oo safaradaydii kala duwanaa ee waxbarashadda igu taageeray sida qoyskayga, macalimiintaydii iyo asxaabtii niyadda kolba ii dhisaysay. Intii hawlgalka researchka dheer ee buuga aan ku jiray kolkii aan u diyaargaroobayey waxa mahad weyn u hayaa professor Maxamed Siciid Gees oo xog la yaab leh i siiyey. Waxaa leh mahadnaq weyn iyaguna maamulka Jaamacadda Gollis oo taageero weyn i siiyey Oo xataa xafiis aan ku shaqaysto iigu deeqay kolkaan Hargeysa joogay. Waxa kale Oo mahad weyn leh Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka iyo caawimaddii ay iigu deeqeen macluumaad badan. Waxaa taageero kale Oo mug leh i siisay Jaamacadda Frantz Fanon ee Hargeysa ku taal.

Abaal aan duugoobin Waxaan u hayaa dadkii iyo jaaliyaddii igu soo dhawaysay Washington DC intii aan ku noolaa kolay dadkoo dhan ma soo koobi karo laakiin hadaan cid ka sheegoo waxa ugu horeeya saaxiibkay iyo walaalkay iyo awoowgay Burhaan Yussuf Xaaji Aadan, inaadeertay Fahiima Maxamed Aar iyo walaashay Nassiim Maxamed Cabdi iyo odaygeeda Axmed Xuseen. Waan ka xumahay in aanan dadkoo dhan soo koobi karin.

Qofka Wuxuu sameynayo iyo halka uu marayo Ilaahay baa qoray. Kolay xilligan baa qorneyd. Cilmigu wuu socdaa Oo qofku ilaa inta uu godka ka gelayo wuxuun buu korodhsanaya mid diin ah iyo mid maadi ahba. Qofka Jaamacad ay u suurto geli weydaana isagaa wax is bara maadama imika ay technologiyadu inaga caawinayso wax walba. Anigaba iyadoo 20 sanadood ka hor Iskuul iigu danbeysay inaan hadana dib ugu noqdo ciyaar ma ahayn Oo aan nolosha dib u soo bilaabo Oo kolba magaalo cusub qol yar ka galo Oo arday rasmiya noqdo.

Qofku shaqooyinkiisa iyo hamigiisa kolba way is badalaan, laakiin hadaad wakhtiga ka faa'iidaysanaysid noloshu xiiso iyo hami ayeey kuu yeelanaysaa weliba kolka aad Ilaahay ku xidhan tahay. Nin la yidhaa Charlie Munger Oo beri dhawayd dhintay isagoo 90 jirkii dhaafay ayaa isagoo Billionare taajir weyn ah yidhi; " ilaa da'daa sagaashan jirka anigoo ah, maalna haysta, ayaan hadana maalin walba wax bartaa". Kolay waa Iga dhiirigelin qoraalkaygani, miskiinkaygan yarna Maanshallahda iyo ducadiina iyo dhiirigelinta wuu soo dhaweynayaa. Kheyr iyo wanaag baan idiin rajaynayaa.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...