Sidii uu doorashada ku waayey Churchill iyo Xisbigiisii Conserfatifku 1945kii

Saturday September 07, 2024 - 15:26:21
Hadhwanaag
Inkasta oo uu Aftahan qori ismaris ahaa, Churchill iyo Xisbigiisu


Si ka duwan sida madaxweyne Muuse, wuxuu Churchill ku soo caan baxay guushii uu ka soo hooyey dagaalkii 2aad ee adduunka, iyada oo rajadiisa in uu ku guulaysan doono doorashada ay ahayd mid uu isa siiyey.

 

Markii doorashada la qabtay waxaa si weyn u guuleystey xisbigii shaqaalaha oo helay 393 kursi, halka uu Conserfatifku ( Tory Party ) helay intaa badhkeed. Xisbiga shaqaaluhu wuxuu guushaas ku helay iyada oo dagaal laga daalay, in uu balan qaaday, in uu wax ka qaban doono baahiyaha dadweynaha. Arrimaha Bulshada ee uu balanqaadka ka sameeyey waxaa ugu waaweynaa dadka oo la shaqo geliyo, in shacabka iyo shaqaaluhu helo Guryo la goyn karo, dadku inta aanay shaqo gelin oo wax la taarto haba yaraatee iyo ta ugu muhiimsan oo ah caafimaadka dadka oo dowladdu dusha u ridato.

 

Inkasta oo uu Aftahan qori ismaris ahaa, Churchill iyo Xisbigiisu waxay wax ku waayeen oo ol'olahoodu u badnaa in ay cashuurta dhimayaan, iyadoo aan wax la cashuuraaba jirin iyo in ay miisaaniyada ciidamada halkaa ku haynayaan, iyadoo Ciidamada boqortooyada Ingiriiska ka dhintay gaadhayeen 380,000 oo askari. Waxyaabihii kale ee lagaga yaacay Xisbiga Churchill waxaa ka mid ahaa, in uu ku mashquulay arrimaha Caalamka, dhabdhabidda Gaashaanbuurta NATO iyo sidii loo sii wadi lahaa isbahaysiyadii iyo xasaradihii dagaalka.

 

Markii dagaalku dhamaaday May 1945kii, inkasta oo Raysalwasaare Churchill lagu soo dhaweeyey fantasiye iyo Ubax casaan ah, magaalo iyo tuulo kasta oo uu booqday, haddana July 1945kii waxay ku noqotay isaga iyo Xisbigiisa guuldarada weyn ee soo gaadhey mid wax af laga sheego ka weyn oo wakhti badan ku qaadatay in ay liqaan.

 

Bashiir Tarabbi Oogle,

London, England.


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...