Donald Trump oo u hanjabay Mark Zuckerberg

Sunday September 01, 2024 - 18:09:37
Hadhwanaag
Sida laga soo xigtay buug uu Trump dhowaan soo saari...
May be an image of 2 people and text


Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu xabsi daa'im ku xukumi doono mulkiilaha baraha Meta Mark Zuckerberg kaas oo ku eedeyey in uu fara geliyey doorashadii hore dlakaas ka dhacday sannadkii 2020-kii.

Sida laga soo xigtay buug uu Trump dhowaan soo saari doono uu ugu magac daray "save America" Trump ayaa sheegay in Mark Zuckerberg uu yahay nin laba wajiila ah oo daacad iska dhiga isaga oo tilmaamay in uu aqalka cad ugu iman jirey xilligii uu xilka hayey isla markaana uu muujin jirey saaxiibtinnimo dhow iyo soo dhowayn aad u sarraysa balse uu dhabarka markii dambe ka qaniinay.

Baraha Meta sida Facebook ayaa ka mid ahaa goobo Trump laga xidhay sannadkii 2021-kii ka dib markii uu mariyey farriimo uu kula hadlayo taageerayaashiisi ka hor yimi natiijadii doorashada.
     
Loading...