Beesha CABDALE ARAB Oo Ku Biirtay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani SAWIRO

Saturday August 17, 2024 - 19:55:30
Hadhwanaagtv
dhanka kale siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedkan ayaa..
May be an image of 5 people


Xildhibaan hore Cabdilaahi Ismaciil Faarax ( Cabdilaahi Caafi ) madax dhaqameed iyo aqoonyahan uu hogaaminaayo ayaa ku soo biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI .

Madasha lagu soo dhaweynaayey siyaasigan iyo madax dhaqameedka la socdey waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin ay ka mid yahiin , Xildhibaanka Golaha Guurtida beesha ugu jira iyo Xildhibaanadii hore ee Beesha CABDALE ARAB ugu jiray golayaasha deeganka Burco iyo Berbera , caaqilka Beesha iyo aqoonyahan

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiye Xirsi oo madasha ka hadley ayaa xisbiga ku soo dhaweeyey Siyaasigan iyo madax dhaqameedka la socdey .

dhanka kale siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedkan ayaa iyaguna madashaashi ka hadlay waxaana ay masuuliyiinta xisbiga wadani u cadeeyeen in ay cududooda iyo cod kooda ay ay ku taageeri doonaan xisbiga wadani

waxaana intaasi ay raaciyaan in deegana dooda xisbiga wadani codadka ugu badan uu ka heli doono maalinta doorashada
May be an image of 4 people and dais
May be an image of 6 people and dais
May be an image of 5 people, people studying and hospital
May be an image of 14 people and dais
May be an image of 4 people and dais

     
Loading...