Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhiggiisa dalka Rwanda

Tuesday August 13, 2024 - 14:51:49
hadhwanaagnews
Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya

May be an image of 3 people, the Oval Office, dais and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame.


 

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.


 

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.


 

Kulanka uu Madaxweyne Xasan sheikh la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda ayaa ku soo aadata xilli uu dakaas uga qayb galay Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha RWanda Paul Kagame.

May be an image of 6 people and dais
May be an image of 2 people, dais and text
May be an image of 10 people, flute, oboe, clarinet and the Tomb of the Unknown Soldier

     
Loading...