Madaxda Xisbiyada Iyo Xukuumada Maxaa Uga Meel Yaalla Duruufaha Adag Iyo Waayaha Cakiran Ee Gobolka Geeska Africa?

Sunday August 04, 2024 - 07:59:30
hadhwanaag
Waayaha Uu Ku Sugan Yahay Gobolka Geeska Africa Waa Kuwo Aan Ka Soo Raynayn ?




Gobolka aynu ku noolahay waa gobol colaado , gaajo , fakhri iyo dib u dhac badani haystay qarniyo badan , waxyaabaha sababta u ahina waxay ahayd xasilooni la'aan iyo nabadgalyo daro riiq dheeraatay oo ilaa haatan taagan.


 

Inaga oo dhibkaasi qabna ayaa gobolka Geeska Africa loo soo waaridey fekerada xagjirka ah iyo aragtiyaha kala duwan ee aduunka ku loolamaya waa dhibaato kale oo ina haysatay intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa ama dhawr iyo soddonkii sano ee ugu dambeeyay.


 

Hogaamiyaha ummadi dooraneyso ama hada xil u hayaa waa in uu noqdaa qof wax uga bilaaban yihiin ama la socdo waayaha dhabta ah ee mandaqada uu dalkiisu ku yaallo , kuguma filna dalkaaga oo kaliya oo xasilaa sababta oo ah deriskaaga oo gubanaya waa dab kugu soo socda oo loo baahan yahay xalintiisa iyo ka hortagiisa in aad qorshe ka leedahay.


 

Dalalka Gobolka Geeska Africa mid waliba waxa uu la dhiban yahay dhibaatooyin iyo mushkilado halis ku ah dalkiisa iyo dadkiisa oo uu u taag laayahay, waa masiibo meesha aynu ku noolahay u gaar noqotay oo u baahan in aad wax la isaga weydiiyo.


 

MAXAA UGA MEEL YAALLA XUKUUMADA IYO AXSAABTA QARANKA EE KU TARTAMAYA MADAXWEYNAHA ?

 

Waxaynu rabnaa hogaamiye ka aragti iyo feker horeeya bulshada oo ay dhibeyso ama arkaya deegaanka aynu ku noolahay iyo duruufaha qalafsan ee ku xeeran , sidoo kale qorshe siyaasadeed ka leh arimahani aynu kor ku soo xusnay.


 

Waa marka labaad xaaladaha hadda taagan ee dalkeena haysta ee colaaduhu ka mid yihiin , xidhiidhada diblomaasiyadeed ee cakirmay iyo waxii lagaga bixi lahaa ayeynu ka rabnaa.


 

Waa marka sadexaad e waxaynu uga baahanahay qorshe siyaasadeed mudada gaaban iyo mudada dheer ba leh oo yididiilo iyo rejo u abuurma dalkan curdinka ah ee dadkiisa 70%dhalinyarada yihiin u baahan in mustaqbal loo sameeyo oo jid wanaagsan loo jeexo.


 

Mohamed Abdi Jama

Dhimbiil Mohamed

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...