Donald Trump Oo shaaciyey Wax Ka Badel Uu Ku Samaynayo Xidhiidhka Maraykanku La Leeyahay Taiwan

Thursday July 18, 2024 - 06:26:52
Donald Trump Oo shaaciyey Wax Ka Badel Uu Ku Samaynayo Xidhiidhka Maraykanku La Leeyahay Taiwan
May be an image of 3 people and the Oval Office

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trumpa ayaa wareysi uu siiyay CNN, ku soo bandhigay inuu wax ka beddelayo mowqifka taageerrada bilaashka ah ee Mareykanka uu ku ilaaliyo jasiiradda Taiwan, isagoo markaa su’aal geliyay sababta Mareykanka uu si lacag la’aan ah ugu ilaalinayo Taiwan, isagoo yiri "Sabab? Maxaynu sidan u sameyneynaa? Haddii la doorto November, wuxuu caddeeyay in loo baahanyahay inay Taiwan dhaqaale ku bixiso si ay u hesho taageerrada militari iyo siyaasadeed ee ay ka hesho Mareykanka .

Trump, wuxuu sheegay Taiwan, iyadoo ka faa’iideysanaysa dhaqaalaha Mareykanka inay noqotay jasiirad hodon ah.
Fiiro gaar ah;

Trump , ayaa horey usoo bandhigay mowqif uu ku beddelayo dhaqaalaha badan ee Mareykanka uu ku bixiyo NATO , isagoo sheegay haddii la doorto in si siman waddamada isbahaysiga ku jira in looga baahanyahay miisaaniyadda inay u bixiyaan, markaa wuxuu soo bandhigay qorshe layaab leh oo dalalka NATO uu ugu kala qaaday labo heer, kuwa bixiya miisaaniyadda badan wuxuu sheegay inay heli doonaan difaac wadajir ah haddii duulaan lagu soo qaado, halka dalalka aan bixin uu sheegay inaysan heli doonin difaac haddii la weerarro, wuxuuna markaa tilmaam inuu ku dhiirrigelinayo Ruushka inuu weerarro kuwa aan waxba ku darsan miisaaniyadda isbahaysiga.

     
Loading...