Madaxweynaha Maraykanka Oo La Daallaa Dhacaya Hoos U Dhac Xusuuseed Iyo Dhawaaq La Yaab Leh Oo Ka Soo Baxay

Sunday July 07, 2024 - 07:08:51
Madaxweynaha Maraykanka Oo La Daallaa Dhacaya Hoos U Dhac Xusuuseed Iyo Dhawaaq La Yaab Leh Oo Ka Soo Baxay
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden oo waraysi siiyey Idaacadda WURD ee fadhigeedu yahay gobolka Pennsylvania ayaa isku tilmaamay in uu yahay haweenaydii ugu horraysay ee Madow ah oo ka hawl gasha aqalka cad isla markaana uu taas ku faraxsan yahay.

Hadalkan oo ahaa sinbiraraxasho aanu ugu tala gelin ayaa muran badan ka dhaliyey Warbaahinta Maraykanka isaga oo sii huriyey guuxii waayahan taagnaa ee ka dhashay sidii uu Biden u wajahay dooddii uu bishii hore la galay dhiggiisa Donald Trump taas oo keentay in ay Kaadiriinta Dimuqraadigu ku baaqan in uu ka hadho tartanka doorashada soo socota.

Joe Biden oo ah 81 jir 4 sano dalka Maraykanka soo hoggaaminayey ayaa la il daran xasuustiisa oo hoos u dhacday iyo hadal ka soo baxsada marar badan kaas oo sababay in ay hoos u dhacdo rajada laga qabo in uu guul ka keeno doorashada ay isku arkaynaa madaxweynihii kursiga uga horreeyey ee Donald Trump.

May be an image of 1 person and the Oval Office

     
Loading...