Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soomaalida ku Canaanatay Inaanay Waxba Ka Garanayn Kursiga Ay U Tartamayso

Sunday June 23, 2024 - 08:01:57
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soomaalida ku Canaanatay Inaanay Waxba Ka Garanayn Kursiga Ay U Tartamayso

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna musharrax u taagan guddoomiyaha Midowga Afrika, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in doonisteeda kursiga Midowga Afrika loo turjumayo in ay Somaliland goynayso.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam waxay sheegtay kursigaasi inuu yahay mid loogu shaqeeyo Soomaaliya magaceeda iyo jiritaankeeda. Waxay sheegtay go'aanada kasoo baxa inay yihiin ku shaqeeya amar kasoo baxa shirka Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

"Nasiib darro dad aan badnayn ayaan fahmin qadiyaddan. Kuwaas oo qaarna igu eedaynayaan Somaliland ayay goynaysaa, qaar kalena leeyihiin Soomaaliya ayay u shaqaynaysaa Somaliland ayay ka horjeeddaa,” ayay tiri Fowsiyo Aadam.

Si kasta ha ahaatee, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaacisay in aysan ka tanaasuli doonin musharraxnimadeeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka.

Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ay ka dalbadeen in ay isaga harto tartanka kursigaas sababo la xariira codsi ka yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kursigan u sharraxay wasiirka arrimaha dibadda ee wadankaasi.




     
Loading...