Fowsiya Xaaji Adam Iyo Kursiga Afrika U Sareeya.

Monday June 24, 2024 - 14:23:16
Hadhwanaagtv
Waxay Ka Soo Jeeddaa Somaliland Iyo Somaliya Labadaba Oo Ay Labadaba..

No description available.



Fosia Haaji Adam Lix Arrimood Oo Ay Kaga Duwantay Ragga La Tartamaya Oo Aanuu Midna Lahayn Sifooyinka Fosia H. Adam Ay Leedahay Aanay Runtii Heli Karina Maanta.


 

1- Waxay Kasoo Jeedda Aabo Yaashii Tacliinta Mid Ka Ah Yusuf Haji Adam Oo Ahaana Wadani Qayblibaax Ka Soo Abuurkii Wadaninimada Somalida Welina Fikirkiisii Abwaaneed Lagu Shaqeeyo Oo Murti Hees Iyo Hal Hays Inoo Ah 'Soomaaliyeeyey-Toosoo-Isku-Tiirsada Ay.


 

Fosia H.Adam Waa Aasaasihii Jaamacadda Hargeysa, Halkaa Waxaa Ka Muuqda In Wadaniyaddii Aabaheed Yusuf H. Adam Inay Xambaarsantay, Binu Adam Ku Dushay Isaga Eegyihiin Ee Waxay Kala Leeyihiin (Characters And Charisma) Kala Duwan.


 

3- Waxay Ka Soo Jeeddaa Somaliland Iyo Somaliya Labadaba Oo Ay Labadaba U Daacad Tay Bulshada Soomaaliyeed Dhammaantood. Waa Maangaaban Yihiin Kuwa Leh Somaliland Bay Ka Soo Jeeddaa Waa Xassan Sheekh Iyo Dawladd Goboleedyada Horjoogayaashoodu Ku Diidan Yihiin Waa Dhuumaalaysiga Ay Shacabka La Ciyaaraan. Waxay Ku Diidan Yihiin Waa Danahooda Khaaska Ah Waayo Waxay Leeyihiin Dhammaantood Dhaqanka Dabagaalaha; Waa Dabagaalayaal(Squirals) Shaqadoodu Waa Wax Urursi.


 

4- Profile Keeda Nololeed Iyo Madaxnimo Aad Buu U Sareeyaa Iyo Hankeeda Iyo Shakhsiyadda Fosia Oo Maqaan Sare Gaadhsiisan Dumarka Soomalida U Horseedda Inay Ragga La Tartammaan Si Ummaddu Godka Uga Soo Baxdo.


 

Fosia Waa Marwo Rag Ay Isku Jiraan La Tartankooda Ogaatay In Mandaqadda Geeska Afrika Dumar Hogaamiya Ay U Baahantay Waayo Raggii Dagaal, Qabyaalad, Xoolo Urursi Iyo Dib U Dhacbay Shaqadoodii Noqotay. Bal Ethiopia, Eritrea, Somaliya, Somaliland Iyo Kenya Waa Kala Qax Joogto Iyo Magaalooyin Dumin.


 

6- Fosia Way Guulaysanaysaa Waayo Waxay Time Waqti Geeska Afrika Inay Dumarku Hogaamiyaan Ay Lagama Marmaan Tahay Oo Wadankasta Iyo Maamulkasta Raggii Ku Guul Daraystaan Hogaamintii Ummadaha, Markaa Madaxda Afrika Waxaan U Sheegaynaa Inay Kaalinta Hogaaminta Dumarka Casriga Ku Tijaabiyaan.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qoraa Mohamed Bashe

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...