Iid wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal. intan hoosena ila akhriya.

Sunday June 16, 2024 - 09:25:39
Hadhwanaagtv
Khoorka ay sheegeen qiyaas ahaan wuxu dhacaya inta u dhaxaysa...


Warqad uu diray Willem de Milde 1625 oo ahaa badmaaxe Holandiis ah waxa ku xusnaa:

Markii aanu agmaraynay xeebaha dadka madaw (soomaalida), dhulka ayaanu u daadagnay si aanu ugu raadinno cunto daray ah iyo biyo naakhuudayaasha oo naga xanuusanayay, hase ahaate meelna waxba kamaanu helin ilaa aanu soo gaadhnay Khoor yar, waxa aanu Khoorkan darafkiisa ku aasnay Mr Revensteijn, xataa halkan waxba kamaanu helneen haddii aanaan sidan dharkii cudbida ahaa, halkaa inta badan waxa laga raadiya dharka Dho ee laga keeno Suwaraat. Waxa wanaagsan maraakibta naga danbeeya in ay soo qaataan dharkan siday u adeegsadaan waxna ugu baddashaan, dadkan madmadaw ee deggen xeebtan ma adeegsadaan lacagta, taa baddelkeeda waxay doonayaan bariis, hase haaate ma jecla in ay bariiska ku baddashaan waxyaabo qaaliya. "

Khoorka ay sheegeen qiyaas ahaan wuxu dhacaya inta u dhaxaysa Ceel-Garde iyo Maydh, waayo markiiba waxa ay gaadheen Cadan, waa masaafo dhaw, haddii lagu qiyaaso Falak ilaa Butiyaalo waa masaafo fog sida ay warqad kale ku sheegeen.

Xeebaha soomaalida haddii aad ku aragto xabaalo u dhisan sida kuwii reer Yurub ee qarnigii 15 ilaa 18, ha moodin ummad kale in ay dhulka taallay. Sidoo kale waxa aan arkay qoraallo badan oo ay qoreen badmaaxyo carab iyo reer Yurub isugu jira oo tirinaya dadkii ay ku aaseen xeebaha soomaalida.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...