"Dadka Muuse Biixi dhaliila ayaa ku eedeeya in uu aad ujecelyahay dhulka"
Hargaysa (HWN) Muuse Biixi ayaa Dowladdaha Hoose ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeisa amray in ay mudo bil ah ugu dhamaystiraan Dhulalka uu ku leeyahay labada magaalo wixii bilaa sharci ah sharcigooda sidoo kale na Mudo bil gudaheed ah loogu dhiso dayrar,isla sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa Wasaaradda Hawlaha guud amray wixii dhul ah ee uu leeyahay in ay u dhamaystiraan sharciyadda ka dhiman mudo bil gudaheed ah, sida ay sheegayaan ilo xogogaal ahi.
Dadka Muuse Biixi dhaliila ayaa ku eedeeya in uu aad ujecelyahay dhulka, taasina ay sababtay in uu dhul badan ku yeesho magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.
Xogtan ayaa ku soo beegmaysa xili ay isa sootarayaan aragtida ah in Xisbiga Kulmiye doorkan ay umuuqato in lagaga guulaysan karo Doorashada soosocota.