Eebe Talo Saarta, Hana Idinku Asturo Masuuliyadaas.
Aniga oo ah Suldaan Samatar Suldan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku hadlay magacayga & kan dhaqanka ee beelaha mugga leh ee aan suldaanka u ahay waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxwaynaha cusub ee la doortay Amb. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Ciro” iyo Madaxwayne Ku Xigeenka cusub la doortay Amb. Maxamed Cali aw Cabdi, waxana aan ku hambalyaynayaa guusha taariikhiga ee ay ka soo hooyeen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay November 2024.
Madaxwayne & Madaxwayne Ku Xigeen waa xaqiiq oo waxa aad dhaxasheen dal soo koraya. Dal u baahan in nabada iyo amniga uu Eebe ku mannaystay loo adkeeyo. Dal ay dadkiisu maanta u baahan yihiin in la mideeyo, la waleeleeyo, lagana shaqeeyo wada-jirkooga. Dal u baahan in dhaqaalahiisa la kobciyo, dhalintiisana loo jiheeyo dhinaca hormarka iyo wax soosaarka. Dal u baahan in dunida lagu soo xidho, lagana samata-bixiyo go’adoonka dublamaasiyadeed ee uu ku jiro, iyo sidoo kale dal qaba baahiyo tiro badan oo aanan halkan ku soo koobi karin, mid walbana u baahan tahay in mudnaanta la siiyo xal u helideeda.
Sidaas aawadeed Mudane Madaxwayne & Madaxwayne Ku Xigeen, masuuliyadaas aad xambaarteen Eebe ha idinku asturo, hana idinka dhigo kuwo waajibaadkooda guta. Ka Suldaan ahaana waxana aan ku rajo waynahay in aan yeelan doono wadashaqayn dhaw oo u adeegta masuuliyada na wada saaran aniga & idinkaba.
Eebe Talo Saarta, Hana Idinku Asturo Masuuliyadaas.
Aamiin Aamiin
Suldaan Samatar Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar Suldaan Ibrahim