Maxay Tahay Digniinta Cusub Ee Ku Wajahan Somaliya?

Tuesday April 23, 2024 - 08:52:47
Hadhwanaag
"Degmooyinka la magac dhabay ayaa wajihi kara khatarro ka imaan kara "


Xarunta ka Dagista Halis Wadareedka ee Hay'adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay digniinno hor leh oo ku aadan fatahaado laga cabsi qabo in ay wadanka ka dhacaan todobaadkan.


Hay'adda ayaa sheegaysa in usbuuca ugu dambeeya bishan ay jirto suurtagalnimada in ay dhacaan fatahaado isugu jira, kuwa ka yimaada webiyada iyo togagga oo soo rogmada, si gaara degmooyinka Jowhar, Beledweyn, Buulaburde, Luuq, Doolow, iyo magaalooyin kale oo aanu webigu marin oo ku yaala gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada Hoose.


Degmooyinka la magac dhabay ayaa wajihi kara khatarro ka imaan kara fatahaadda webiyada iyo daaddadka togaggu soo rogaan.


Waxa jira sare u kac heerka biyaha webiyada Shabeelle iyo Juba, waxana loo aaneynayaa roobbabka xooggan ee ka da’aya qaybo kamid ah Soomaaliya iyo buurraha Itoobiya.


Meelaha qaar ayaaba la soo weriyay in webigu ku fatahay, waxana kamid ah tuulooyin ku dhawdhaw magaalada Jowhar.
     
Loading...