Maxay Tahay Gudida Uu Gaboose Maanta Magacaabay?

Monday April 29, 2024 - 15:42:58
Hadhwanaag
Magacaabis Guddi

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28.04.2024 waxaa xarunta dhexe ee Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ka qabsoomay shir ay iskugu yimaadeen gudida fulinta ururku. Kadib markii aad loo falanqeeyay xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka ku soo fool leh, waxaa la isla gartay in la magacaabo guddi heer qaran ah oo ka kooban shan xubnood. Gudidaas oo loo xilsaaray in ay xog ururin, latashiga taageerayaasha ururka ee gobolada dalka iyo inay warbixin ka keenaan jihada mustaqbal ee ururka ee ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Gudidu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku xusan:

1. Dr. Khadar Cilmi Barre Gudoomiye

2. Hassan Sh. Maxamed Aw Cali G/K/Xigeen

3. Maxamed Maxamuud Cumar Xoghaye

4. Maxamed Xuseen Caydiid Xubin

5. Cabdirisaq Maxamuud Ibrahim Xubin

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose)

Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Barwaaqo

Hargeisa, Somaliland.


May be an illustration of map and text
     
Loading...