Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Dagaal Khasaare Sababay Oo Sanaag Ka Dhacay.

Monday April 22, 2024 - 09:21:13
Hadhwanaag
"dagaalkan ayaa gaystay khasaare kala duwan."



Hargeysa (HWN) Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray degaanka Xiis ee waqooyiga gobolka Sanaag, dagaalkan ayaa gaystay khasaare kala duwan.


Guddida joogtada oo warbaahinta kula hadlay xarunta aqalka golaha guurtida ayaa dalbaday in la joojiyo daadashada dhiiga dadka walaalaha ee wada dega deegaankaasi.


Sidoo kale waxa ay xuseen in ay ka guddi iyo gole ahaanba ay diyaar u yihiin sidii gacan weyn uga geysan lahaayeen joojinta shaqaaqada labadaasi beelood ku dhexmaray degaanka Xiis, oo caan ku ah qodista Macdanta iyo Dahabka.


Hadalkan guddida ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay dagaal ku dhexmaray degaanka Xiis ee waqooyiga gobolka Sanaag, iyada oo hore u jirtay in degaano kala oo gobolka Sanaaga sidan oo kale shaqaaqooyin uga dhaceen, isla markaana ay qayb ka qaataan xalinteeda guddi ay u saareen golaha guurtidu oo muddooyin badan u fadhiyay.
     
Loading...