Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Turkiga iyo Pakistan.

Thursday May 02, 2024 - 14:48:44
hadhwanaag
Heshiiska Turkiga lala soo galay ayaa ku saabsan Iskaashi



Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubanah Golaha.


 

Shirka ayaa waxaa lagu ansixiyay heshiis ay dowladda federaalka lasoo gashay dowladaha Turkiga iyo Pakistan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.


 

Heshiiska Turkiga lala soo galay ayaa ku saabsan Iskaashi dhinaca Garsoorka ah u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay dhawaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho.


 

Heshiiska Garsoorka eeSoomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.


 

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin xukuumadda.

 

Intaas kadib shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

 

Labada wasaaradood ayaa sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loo qorsheeyaya dhawaana qorshuhu yahay in la dardargeliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

 

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

     
Loading...