Shaqaaqadii ka Dhacday Gobolka Sanaag oo lagu Guuleystay in la soo Afjaro

Thursday May 02, 2024 - 08:52:11
hadhwanaagtv
Xildhibaanada iyo masuuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ...



Wasiiradda Wasaaradaha Kalluumaysiga, Caafimaadka, Masuuliyiinta Maaamulka Gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo Af-jaray Colaad sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maalmahan danbe Ka taagnayd Deegaanka Xaysimo ee Gobolka Sanaag.


 

Sidoo kale waxay Masuuliyiintani ku guulaysteen inay kala qaadaan labada Ciidan Ardaa ee is Horfadhiyey oo dhawaan halkaasi dagaal ku ku dhexmaray.


 

Xildhibaanada iyo masuuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ka socday ayaa qorshaynaya in waayeelka iyo waxgaradka laba Ardaa ku wada hadalsiiyaan magaalada Ceerigaabo si loo dhameeyo xaaladda halkaasi ka dhacday, nabad waartana loogu soo dabaalo dadka walaalaha ah ee wada degan deegaanadaasi.


 

Geesta kale nabadeynta beelahan waxa goobjoog ka ahaa waxgaradka iyo cuqaasha labada dhinac, kuwaas oo qaatay nabadgelyo iyo in deganaansho lagu wada noolaado.


 

Gaba-gabadii mudaneyaashu beelaha walaalaha ah ee ay heshiiska dhex dhigeen waxa ay ku ammaaneen sida ay uga aqbaleen wax kasta oo nabadgelyo dhidibada loogu taagayey.


 

Isku dhaca labadan beelood ayaa ka dhashay kadib markii degaanka Xiis oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Ceerigaabo laga helay Dahab, kaas oo degaano badan oo gobolka Sanaaga laga soo guro, isla markaana kulmiyay dadyow degaano kala duwan ka yimid.

 

 

     
Loading...