Roobka gacan ku sameyska ah miyaa sababay daadadka Dubai?

Thursday April 18, 2024 - 09:21:35
hadhawanaag
Dubai waxay ku taallaa dhanka xeebta ee Imaaraatka Carabta ..


Dubai waxaa ku dhuftay daadad ba’an saacadihii lasoo dhaafay, tanoo keentay in dadku is weydiiyaan arrinta ku saabsan roobka gacan ku sameyska ah.


 

Sidaa darteed, sidee ayuusan caadi u ahayn roobka maxayse yihiin sababaha ka dambeeya biyaha badan ee roobka?


 

Waa sidee xaddiga roobka?


Dubai waxay ku taallaa dhanka xeebta ee Imaaraatka Carabta (UAE) caadi ahaanna aad ayay u qallalan tahay. Balse iyadoo heleysa in ka yar 100mm (3.9in) roob sanadkii ah celcelis ahaan, waxay mararka qaar heshaa roob aad u biyo badan.


 

Magaalada Al-Ain – oo keliya 100km (62 meyl) u jirta Dubai - qiyaastii 256mm (10in) oo roob ah ayaa maalmahan laga soo sheegay.


 

Hannaan hoose oo cimilada ah, kaasoo keenay kuleyl, hawo qoyan oo xiran iyo arrimo kale ayaa ahaa sababta ugu weyn.


 

"Qeybtan dunida ka mid ah waxay caan ku tahay muddo dheer oo roob la’aan ah kadibna roob xooggan oo aan caadi ahayn, balse xitaa sidaas, tan waxay ahayd arrin dhif ah," ayuu yiri Prof Maarten Ambaum, oo ah khabiir saadaasha hawada kana tirsan University of Reading, isla markaana daraasad ku sameynayay roobka ka da’da gobolka Gacanka.


 

Doorkee ayay isbeddelka cimiladu ku leedahay?


Weli suurtogal ma aha in si buuxda loo xisaabiyo inta uu la ekyahay doorka isbeddelka cimiladu ka qaadatay. Taas waxay u baahan tahay falanqeyn sayniseed oo buuxa oo lagu sameeyo saameynta dabiiciga iyo tan aadmiga, taasoo qaadan karta dhowr bilood.


 

Balse roobkan aan caadiga ahayn waa mid si ula xiriira sida ay cimiladu isu beddeleyso.


 

Haddii si fudud loo dhaho: hawada kulul waxay heyn kartaa qoyaan badan - ilaa 7% dheeri ah digrii walba oo Celsius – taasoo kordhin karta xoogga roobka.


 

Daraasad dhowaan ayaa soo jeedisay in roobka sanadkii u kordhi karo ilaa 30% inta badan gudaha Imaaraatka wixii loo gaaro dhammaadka qarniga iyadoo dunidu ay sii kululaaneyso.


 

Waa maxay daruuraha la abuuro iyo doorka ay ciyaari karaan?


Abuurka daruurtu waxay ku lug leedahay maaraynta daruuraha jira si ay gacan uga geysato soo saarista roob badan.


 

Tan waxaa lagu samayn karaa iyadoo la isticmaalo diyaarad si aad u daadiso qaybo yaryar (sida silver iodide) daruuraha. Uumiga biyuhu wuxuu markaa si fudud isku ururin karaa oo isu rogi karaa roob.


 

Farsamadani waxa ay jirtay tobanaan sano, Imaaraadkuna waxa uu u isticmaalay sanadihii u dambeeyay si uu wax uga qabto biyo la’aanta.


 

Saacado ka dib daadadka dalkaas ku dhuftay, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si degdeg ah u sheegay in cimilada aadka u xun ay tahay kaliya hawlgallada lagu abuuray daruudaha ee dhawaan dalkaasi samayey.


 

Warbixinno hore oo ay daabacday Bloomberg ayaa tilmaamay in diyaarado sida daruuro samaysa a la geeyey dalkaas axadiisa iyo isniintii balse kuma jirto taladadii markii daadadku ku dhufteen dalkaaasi


 

Balse BBC si madaxbanana uma xajiinin, markii abuurka daruuruhu dhaceen, laakiin khubaradu waxay sheegeen in arrinta samaynta daruurahu ay saamayn yar ku yeelan lahayd duufanta balse ay tahay "marin habaabin".


 

"Xitaa haddii abuuritaanka daruurtu ay dhiirri-geliso daruuraha ku hareeraysan Dubai inay soo daadiyaan biyaha, jawigu waxay u badan tahay inuu sido biyo badan si ay daruuro u sameeyaan marka horeba, sababtoo ah isbeddelka cimilada," sidaa waxaa yiri Dr Friederike Otto, oo bare sare oo sayniska cimilada ka ah Imperial College London.


 

Maxay dunidu u sii kululaanaysaa?


Abuurka daruurtu guud ahaan waa la geeyaa marka xaaladaha dabaysha, qoyaanka iyo boodhka ay ku filnaan waayaan inay horseedaan roobka. Toddobaadkii la soo dhaafay, saadaasha ayaa ka digay khatar sare oo fatahaad ah oo ku dhufata Khaliijka.


 

"Marka la saadaaliyo hababkaas baaxadda leh iyo buuritaanka daruuraha oo ah geeddi-socod qaali ah lama sameeyo sababtoo ah ma jirto baahi loo qabo in la abuuro nidaamyada xooggan ee miisaanka gobolka," ayuu yiri Prof Diana Francis, madaxa deegaanka iyo Sayniska Geophysical ee Jaamacadda Khalifa ee Abu Dhabi.


 

Khabiirka ku takhasusay saadaasha hawada ee BBC Matt Taylor ayaa sidoo kale xusay in dhacdada cimiladu aad u uga daran tahay intii hore loo saadaaliyay. "Kahor dhacdada, moodooyinka kumbuyuutarka ayaa durbadiiba si fiican u saadaaliyay in roob cadadkiisu mid sanad ku di’i lahaa sanad uu da'i doono ku dhawaad 24 saacadood," ayuu yiri.


 

"Saameyntu aad bay uga ballaaranayd intii aan ka filan lahaa abuurka daruuraha oo keliya - daadad ba'an oo saameeyay dhul ballaaran oo Bahrain ilaa Cumaan."


 

Hawlgallada abuuritaanka daruuraha ee dhulka Imaaraatka waxaa maamula Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada (NCM), oo ah koox hawleed dawladeed.


 

Sidee buu Imaaraadku ugu diyaar garoobay roobabkan aadka u daran?


Ka hortagga roobabka culus ee isu beddela daadad dilaa ah waxay u baahan tahay difaac adag si loola tacaalo hoos u dhacyada degdega ah.


 

Dubai, dabcan, si weyn ayaa loo magaaleeyay. Waxaa jira meel yar oo cagaar ah oo lagu nuugo qoyaanka, iyo tashkilaad biyo-mareenada ayaa u adkeysan waayay heerarka sare ee roobabka.


 

"Waxaa loo baahan yahay in la helo xeelado iyo tallaabooyin la qabsi ah oo lagu qabsanayo xaqiiqadan cusub oo ah roobab aad u badan," ayuu yiri Prof Francis.


 

"Tusaale ahaan, kaabayaasha waddooyinka iyo xarumaha waxay u baahan yihiin in la waafajiyo, in la dhiso barkado lagu kaydiyo biyaha roobka gu'ga, sannadka dambena laga isticmaalo."


 

Bishii Janaayo, Maamulka Wadooyinka iyo Gaadiidka ee Imaaraadka Carabta ayaa sameeyay qeyb cusub oo ka caawin doonta maareynta fatahaadaha Dubai.

ISHA BBC/SOMALI

     
Loading...