Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Gobolka Sanaag Ka Dhacay Ee Dhimashada Sababay?

Monday April 22, 2024 - 08:35:47
Hadhwanaag
"Labada dhinac ayaa wali isku hor fadhiya halkii ay ku dagaalameen "



Magaalada Burcoyar oo ku taalla gobolka Sanaag, ayaa waxaa dagaal ku dhex maray laba kooxood oo isku haysta dahab laga helay buur ku taalla deegaanka.


Shalay ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dhinac halkaas ka dhacay, balse markii dambe ayuu dagaalka joogsaday markii uu bilowday roob halkaas ka da’ay.


Ilaa lix qof ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas oo socday laba maalmood. Balse dagaal isla dhacdadaan ka bilowday oo dhacay bishii soonka ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah dadka deegaanka, sida uu BBC da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag ee Somalliland, Jaamac Maxamuud Warsame.


Saddex ka mid ah ragga ku dhawaacmay dagaal shalay dhacay ayuu sheegay gudoomiyuhu in xaalkoodu halis yahay, maadaama ay lafahu jajabeen. Waxaa lagu dabiibayaa dhaawacooda isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa


Muxuu salka ku hayaa dagaalkaan?
Deegano dhawr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag ayaa waxay muddo ahaayeen kuwa laga qodo macdan uu ka mid yahay dahabku, inkasta oo aysan jirin dawladda ama maamul kontoroola shaqada ay qabtaan.


Goob buuraley ah oo ku taalla deegaan lagu mahacaabo Burcoyar oo u dhaxeysa magaalooyinka Xiis iyo Maydh, ayaa waxa ay dadka deggan qaar kamid ah BBC da u sheegeen in ragga dahabka qoda qaarkood ay baaritaan ay sameeyeen kadib ay deegaanka ka heleen macdanta dahabka mar aan sidaas u sii fogeyn.


Bishii Soonka oo dhamaadkeedii haatan laga joogo 12 beri, ayaa ahayd markii ay ka war heleen in deegaankooda laga helay macdantaas sida ay BBC da u sheegeen.


Jaamac Cabdi Wayd oo kamid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu u sheegay BBC da in dagaalku uu u dhaxeeyo ragga dahab qodayaasha ah oo doonaya in ay kala sheegtaan lahaanshaha dhulka laga helay dahabka, balse qaab qabiil doonaya in ay u dagaalmaan.


”Khilaaf [macdan qodayaasha] dhexdooda ah oo cid sheeganeyso oo leedahay deegaanka anagaa leh, sidaas ayuu ku bilowday” ayuu yiri Jaamac oo BBC da la hadaly.


Labada dhinac ayaa wali isku hor fadhiya halkii ay ku dagaalameen sida uu BBC da u sheegay Ahmed Cabdi Halac oo isna kamid ah dadka deegaanka.


Gudoomiye ku xigeenka Sanaag, ayaa sheegay in ay soo kala dhex galeen labada dhinac oo ay doonayaan in ay talaabo ka qaadaan.


"Labada qolo labo deegaan oo isku muuqda ayay kala joogaan, dadka deegaanka ee halkaan joogana waa ay la hadleen, bal in ay xaalka dajiyaan”, sidaas waxaa BBC da u sheegay Jaamac Wayd.


Gudoomiye Jaamac ayaa sheegay in markii shalay uu dagaalku dhacay uu maamulku u yeeray odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee goobta ku dagaalamaya, wadahadal dheerna uu dhexmaray maamulka iyo odayaasha.


Balse ‘nasiib xumo’ ayuu sheegay in saaka uu mar kale uu dagaal dhexmaray labada dhinac, walina ay dadaal wadaan.


BBC
     
Loading...