Somaliland Oo Ciidamo U Dirtay Jiida Hore Ee Bariga Sanaag.

Saturday May 04, 2024 - 09:23:44
Hadhwanaag
"Abaanduulaha waxa Kormeerka ku wehelinayey Taliyaha Hawlgelinta ..."


Abaabduulaha Qaybta saddexaad ee Ciidanka qaranka Somaliland Gaashaanle dhexe Axmed Cali Dhuux ayaa Kormeer Ballaadhan oo lagu xaqiijinayo Amaanka Degaannada koonfurta Gobolka Sanaag ku soo maray Degaannada Kala Ah Dibqarax, Biyo-Guduud, Ardaa, Shimbiraale, iyo Daarasalaam.

Abaanduulaha waxa Kormeerka ku wehelinayey Taliyaha Hawlgelinta qaybta Saddexaad Cabdinaasir Maxamed Shire.

Dhammaan Degaannada ay Ciidanka Qaranku kormeerka ku tageen ayaa ahaa qaar nabadgelyo ah oo aanay wax dhiillo ahi ka jirin, sida ay warbaahinta dawladu sheegtay.

Dadka udhuun daloola siyaasada Somaliland ayaa sheegaya in Muuse Biixi isku diyaarinayo dagaal uu marlabaad lagalo SSC-KHaatumo.
     
Loading...