Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Doorashada.

Wednesday April 17, 2024 - 12:05:32
Hadhwanaag
"KDQ waxay ka codsadeen Safiirka iyo dawladda ..."


Hargaysa (HWN) Komiishanka Doorashooyinka Somaliland waxay maanta xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hogaaminayo  Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.

KDQ waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaargarowga doorashada, KDQ waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan Liistada Codbixiyayaasha Kama-baysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.

KDQ waxay ka codsadeen Safiirka iyo dawladda Sweden innay ka taageeraan arimaha doorashooyinka gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.
     
Loading...