Muxuu Yahay Warka Uu Beeniyay Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland?

Tuesday April 30, 2024 - 09:10:09
Hadhwanaag
"in aanay ku mashquulin wararka been abuurka ah ee dadka ..."
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL Daa'uud Axmed Faarax waxa uu si adag u burinayaa (Beeninayaa) waraaqo been abuur ah oo baraha bulshada lagu baahiyey, kuwaas oo lagu jaho-wareerinayo ardayda iyo waalidiinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranku, waxa uu ardayda iyo waalidijntaba u cadaynayaa, in uu imtixaanku dhici doono sidii caaddada ahayd, bisha Juun/2024-ka. 

Sidaa darteed, Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranku Daa'uud Axmed Faarax waxa uu ugu baaqayaa ardayda, in aanay ku mashquulin wararka been abuurka ah ee dadka markasta ahi la dhex wareegayaan baraha bulshada.
     
Loading...