Askari Booliska Somaliland Ka Tirsan Oo Toogtay Maamule Ku Xigeenka Kastamka Lawyacado.

Monday April 29, 2024 - 15:21:02
Hadhwanaag
"Masuulkan ayaa dhaawaciisa loo qaaday dhinaca magalada Jabuuti "



Hargaysa (HWN) Askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland ee magalada Lawyacado ee gobolka salal ayaa toogtay maamule ku xigeenkii  Kastamka Lawya-cado Cali Idiris Maxamuud.

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in maamule ku xigeenka markii la tooganayay ku Jiray Hawl Maalmeed-kiisa Shaqo.

Masuulkan ayaa dhaawaciisa loo qaaday dhinaca magalada Jabuuti waxaana xaladiisa caafimaad lagula tacaalaya dhakhtar ku yaala Dalkaasi Jabuuti.

Geesta kale maamulka gobolka salal ka degmada Saylac iyo laamaha Amaanka ayaan ilaa hada ka hadlin dhacadan oo magaalo xuduudeedka Lawyacado ka dhacday galabdhicii Maanta toogashada loogu gaystay maamule ku xigeenkii kastamka Lawyacado.
     
Loading...