Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Jaaliyada Reer Somaliland ee Dalka Sucuudiga la Dardaarmay

Wednesday April 17, 2024 - 09:53:03
hadhwanaagtv
Munaasibada ayay isku xog-waraysteen wasiirka amuuraha..


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa habeen hore Magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga loogu sameeyey Munaasibad Ballaadhan oo ay soo agaasimeen Jaaliyadda SOMALILAND Somaliland ee Magalada Jiddah.


 

Munaasibada ayay isku xog-waraysteen wasiirka amuuraha gudaha iyo Jaaliyada JamhuuriyaddaSOMALILAND ee dalka Sucuud Carabiya intii ay socotay Xalfadda soo dhowaynta ah, ayaa wasiirku waxa uu warbixin buuxda ka siiyey Jaaliyada Somaliland Xaalada Dalka, sida Horuumarka iyo nabad-gelyada, waxaana halkaasi la isku dhaafsaday macluumaadka dalka iyo sidii loo qaabayn lahaa wada shaqaynta Jahliyada Sucuudiga iyo masuuliyiinta dalka.


 

Wasiir Kaahin ayaa ku booriyay Jaaliyada Somaliland ee dalka Sucuudiga inay ka qayb qaataan dedaalada Ictiraaf raadinta iyo xidhiidhada lagu gaadhayo danaha dalka.

     
Loading...