Maxay Tahay Xiisadda Laga Dareemayo Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Xadka U Ah Somaliland & SSC?

Wednesday April 17, 2024 - 08:08:19
Hadhwanaag
"Annagu xaaladayada umbaan ka hadli karnaaye waxaanu ugu baaqaynaa ..."


Wararka aan ka helayno aagga u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa waxay sheegyaan in halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaqyo ciidan oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco aagga.


Labada dhinac ayaa waxay ciidamo keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba.


Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.


Deegaanka Buqdharkayn oo ay hore uga dheceen dagaallo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka mid ah meelaha la keenay ciidamo cusub.


Goobtani waxay qiyaastii 180 kilomitir dhanka woqooyi galbeed kaga began tahay magaalada Laascaanood.


Oog oo ay marto waddada laamiga ah ee isku xirta Burco iyo Laascaanood ayaa iyadana lasoo warinayaa in ay isku hor fadhiyaan ciidammo ka socda labada dhinac.


Qiyaastii boqol kilo mitir ayey halkani dhanka woqooyi kaga began tahay Laascaanood.


Goobahan ayaa hore u wada ahaan jiray saldhiyo ciidan oo fadhiisimo u ahaa ciidamada Somaliland ka hor inta uusan dhicin dagaalkii ay la galeen kuwa SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood.


Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.


"Annagu xaaladayada umbaan ka hadli karnaaye waxaanu ugu baaqaynaa uun nabad gelyo umadda Soomaaliyeed ee aanu deriska nahay, wax colaad ah oo deegaanakayaga ka aloosan oo aan degaanno kale ku qaadeynaana ma ay jirto,” ayuu yiri Dahir oo BBC la hadlay.


Dhanka Somalilan, Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay BBC da in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen.


Balse khubarada ciidanka ayaa waxay sheegayaan in roobabka xilliga Guga ay baajin karaan colaad halkaas ka dhacda.

BBC
     
Loading...