Xisbiga Waddani Oo Taxay Dhibaatooyinka Booliska Somaliland Ku Hayaan Shacabka.

Tuesday April 16, 2024 - 14:08:52
Hadhwanaag
"Boolisku ma wada eedays-na mana wada xuma danbigana ma wada qabaan"


Hargaysa (HWN) Xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Yonis Ahmed Yonis ayaa su'aal iska waydiiyay inay ciidamada Booliska Somaliland hayaan shaqadii loogu talagalay ee wanaagsanay iyo inay ka leexdeen, sida uu ku xusay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"Haddii aad aragto askari Boolis ah oo meherad  boobaya,  ama  dumarka Moobil kala cararaya,  ma hayo shaqo  boolis ee waa shaqadii  budh-cadda.

Shaqada boolisku waa ilaalinta  sharciga  ka  hortaga,  iyo  ka  daba-taga  danbiyada,  waa  saxiibka  dadwaynaha,  waxa  uu  qaabilsan  yahay  nabad  -galyada,  waxa  uu  cadaw  ku  yahay  oo  ay  tahay  in  uu  gacan  bir  ah  ku  qabto  cid  kasta  oo  hagar-daamo  iyo  dhibaato  ku  haysa  dan-yarta, iyo  bulshada  qaybaheeda  kala  duwan,

Haddii  shaqada  boolisku  ay  sidaa  tahay  waxa  is  waydiin  u  baahan  booliska  Somaliland ma  hayaa  wixii  ay  shaqadiisu  ahayd  ee  uu  dirayska  u  gashanaa  jawaabtu  waa  maya  sababtoo  ah  maalmihii  u  danbeeyay  waxa  aynu  baraha  bulshada  ka  daawanay  askar  boolis  ah  oo  dirayskii  ciidanka  gashan  oo  dumar  ama  hablo  Moobilo  ay  siteen  xoog  kaga  qaaday  oo  kala  cararay  xaafadda  haaf  London  askartaa  lama  soo  qaban  sharciga-na  lama  hor-keenin.

Sidoo kale  waxa  maanta  magaalada  Hargeysa  ka  dhacay  oo  baraha  bulshada  lagu  faafiyay  fal-danbiyeed  kale  oo  muujinaya askar  dirayskii  ciidanka  ku  labisan  oo  meherad  uu  haystay  wiil  dhallin-yar  ahi  boobaya  oo  la  garanayo  oo  dadkii  aaga  ka  dhawaa  lahaayeen  hebeloow  ka  daa  iyo  ina  hebeloow  ka  daa  markii  askarta  booliska  ahi  ay  boobka  wadeen,

Hore  waxa  aynu  u  soo  sheegnay  shaqada  fiican  ee  booliska  loo  sameeyey  waxase  muuqata  shaqada  ay  hadda  boolisku  hayaan  ay  Liddi  ku  tahay  shaqadaa  aynu  soo  sheegnay,   waxaana  haboon  in  hoggaanka  sare  ee  ciidanka  booliska  Somaliland  oo  uu  ugu  sarreeyo  taliyaha  ciidanka  booliska  S/Gaas  Maxamed  Aadan  Saqadhi (Daba-gale)  uu  si  deg-deg  ah  wax  uga  qabto  askartii  booliska  ahayd  ee  ku  kacay  fal-danbiyeedka  noocan  ah  oo  dhaawac  ku  ah  haybada  sharafta  iyo  karaamada  ciidanka  booliska.

Sidoo  kale,  waa  in  la  tayeeyo  aqoonta  booliska  Somaliland  lana  baro  waxa  ay  shaqadoodu  tahay  iyo  in  ay  yihiin  gacmaha  sharciga  ay  hay'adaha  fulintu  u  adeegsadaan  wixii  fulin  ah   wixii  xadhig  ahi-na  uu  yahay  awooda  maxkamada  oo  ay  fulin  karaan  wixii  amar  maxkamadeed  ah  bal-se  ay  boolisku  u  madax  -banaan  yihiin  cid  kasta  oo  gacanta  kula  jirta  fal-danbiyeed  in  ay  qaban-karaan  wakhtiga  sharcigu  u  ogol-yahayna  ku  hor-geeyaan  xeer-ilaalinta  iyo  maxkamada  awooda  u  leh,

Boolisku ma wada  eedays-na  mana  wada  xuma  danbigana  ma  wada  qabaan,  laakiin  haddii  wax  laga  qaban  waayo  waxa  meesha  soo  gali  karta  eray  suugaaneedkii  ahaa  baruur  qudha  ayaa  baruuyo  qudhmisa.

Sidaas darteed  waxa  aan  mar  kale  u  soo  jeedin  lahaa  Taliyaha  Ciidanka  Booliska  ee  Somaliland  S/Gaas  Maxamed  Aadan  Saqadhi  (Daba-gale)  in  askartii  booliska  ahayd  ee  falalkan  geystay  uu  sharciga  horkeeno,  waxa  kale  oo  xusid  mudan   in  dambiyada  ay  geystaan  askarta  booliska  ahi  ee  aynu  ka  daawanay  baraha  bulshada  in  ay  ka  badnaan  karaan  inta  aan  muuqaal laga hayn 

Xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Mudane Yonis Ahmed Yonis


hadalkan xoghaye Yoonis ayaa imanaya xili maanta askari baadhay haweenay lagu xukumay todobo sanno.
     
Loading...