Hal waraabe Cunay miyuu weli xalaaleyn karaa?

Tuesday April 09, 2024 - 12:29:56
hadhwanaagtv
Haddii Deg Degsiimo Door dhalo kaadsiimana kiish lacag



Maah maah Soomaali ah ayyaa tidhaahda Doqonta usha agteeda ku dhufo hadday garan weydana gogga u geli waxa aan ku xasuustay hal ku dhigga Xisbiga kulmiye uu ku celcelinayey bishii ugu dambeysey ee ah Waddani ma ku qancayyaaa haddii aanu Doorashada ka helno, Kulmiye oo aynu ka dheregsannahay dadkii iyo dalkii halka uu dhigay iyo inta gacantiisa ku jirta hadda ayna caddahay in rajada uu ka qabo in la doorto ay tahay midda ugu liidata ee uu qabo amma qabi lahaa Xisbi Doorasho Madaxweyne u tartamayya sababtoo ah waxa ay bulshada uu codka ka sugayyaa la daalaadhacaysaa hadimooyinkii uu gaadhsiiyey intii uu xilka hayey Xisbiga Kulmiye gaar ahaan 6-dii sano ee uu Muuse Biixi Madaxweynaha ahaa.


Haddii Deg Degsiimo Door dhalo kaadsiimana kiish lacag ah ayyuu dhalaa, waxaan uga socdaa haddii Gobalkii Sool, Dadkiisii, Ciidankii Qaranka, Boobkii Danta guud, Bulshadii Soamaliland ee Colaadda laysu geliyey iyo Baabi’inta Qarankii Somaliland ee Muuse Biixi midhba meel ka tuuray uu Kulmiye Guul Doorasho ku gaadhayyo, Muxuu wanaag Qaran Qiimo leeyahay ee lagaga daali markay xaaladdu cawajkaa isu rogto, sharciga keyntaba (Jungle Law) ha laynagu maamulo, sida loo kala xoog badan yahayna ha laysku muquuniyo waa halka uu imikaba ku sii siqayyo Taliska Muuse Biixi-ye, waa haddii ay Guul-keenayso hagardaamo- qaranka loo geystaa.


Bulshada Somaliland in dhaweydba waxay dareen Dhidar ka qaadeen hadal ka soo horjeeda waaqica dhabta ah ee ka jira Somaliland oo ay ku tiraabayeen qaar ka mida Masuuliyiinta Kulmiye ugu sareysa hadalkaas oo dulucdiisu ahayd in Kulmiye ku guuleysan doono Doorashada inagu soo fool leh ee la rajeynayyo in ay ka qabsoonto Somaliland Sannadkan 2024 haddii Allah idmo, una baahanyihiin Wadani in uu caddeeyo in uu ku qancayyo natiijada doorashada, taas oo Guud ahaan Bulsahada Somaliland-na ku noqotay filanwaa, waayo Bulshada Somaliland waxay la daalaadhacaysaa nabarradii, hadimooyinkii iyo duruufihii dhaqan, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee uu soo gaadhsiiyey taliska gurracan ee Madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay.


Dareenada hadalkaa ku xeerani waxay dib usoo kiciyeen tuhunno hore oo la xidhiidha calaamatul su’aal la saarayey suurtagalnimada in taliskan Somaliland hadda maamulaa qaban karo Doorasho Xor iyo Xalaal ah kuna qabsoonta wakhtiga lagu heshiiyey oo ah November, 2024. Tuhunnadan oo qaar badan oo ka mid ahi ay leeyihiin tixraacyo asal ahaan ka soo horjeeda qabsoomidda Doorasho Xor iyo Xalaal ah, caddaymahana waxa ka mida:-


1. Afar ka mid ah Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland oo asal ahaan Kulmiye loo tirinayyo sida ka muuqatta sawirka hoose

2. Kulmiye oo gacanta ku hayya Ciidamadii qaranka

3. Kulmiye wuxuu gacanta ku hayyaa Budget-kii dalka iyo awwooddii fulineed ee Dawladnimo oo ay markhaati maddoon tahay in uu lix (6) dii Sano ee u dambeeyey uu u isticmaalayey sifo ka baxsan sharciga dalka u yaal oo uu imikana Kulmiye qorshaystay in uu sifo Sharciga ka baxsan uu Doorashada ugu boobo.

No description available.
No description available.
 

Dhammaan qodobadaas iyo hab dhaqanka ay ku caan baxeen taliska Muuse Biixi madaxweynaha ka yahay ee dawladnimadii Somaliland gacanta u gashay waxay muujineysaa suurta-galnimada isku day boob Doorsho oo baahsan oo ay isu diaariyeen Kulmiye, isku daygaas waxa marag ugu filan hadalkaa sare ku xusay ee ka dheer xaqqiiqda ee ay inoogu cel-celinayyaan waxaanay aamineen beentii ay nafahooda ugu sheekeeyeen oo ay Bulshadana ugu celcelinyyaan dhegohooda si ay u rumeystaan.

Haddaba haddaynu u noqonno suurta galnimada ka dhabaynta amma hirgelinta isku deygan foosha xun ee Kulmiye damacsanyahay waxay ku xidhantay falcelinta Bulshada Somaliland iyo sida ay uga feejignaadaan Xisbiyada/Ururada Mucaaradka ah ee Somaliland Gaar ahaan Xisbiga Wadani iyo kan ugu muhiimsan oo ah maamulka xagga sare ammuuraha ka haga oo ah ka Allah weyn ee iska ka leh tasarufka kawnkan aynu ku noolahay, intaas waxa dheer Kulmiye wuxuu Geeddheer iyo mid gaaban ba u fuushanaa sannadkii ugu dambeeyey sida uu uga midha dhain lahaa shirqoolkan uu maleegayey tallaabooyin badan oo ku taxan shirqoolkaasna wuu qaaaday waxaana ka mid ahaa:-


Ø Bedelida xubntii hore ee Xisbiga wadani ku matalaysey Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay u arkeen in uu carqalad ku yahay Shirqoolkooda


Ø Xidhiidh uu Kulmiye la sameeyey Dawladda Taiwan oo ka tirsan dhul-weynaha Shiinaha oo Kulmiye kaga codsaday Taiwan in ay ka caawiso sidii hab farsmo ahaan amma Technology ahaan heerkeedu sarreeyo oon aan la fahmin ay uga caawin alahaayeen Kulmiye siduu Doorashada ugu shuban lahaa.


Ø Safarro qorshaysan oo hawlo lagu fulinayey, is faham-na lagaga gaadhay arrimo la xidhiidha Doorashada Somaliland oo labada dhinac waa Kulmiye iyo Taiwan ee ay is dhaafsadeen oo uu kamid yahay Safar qayb Guddida Doorashooynka ka mid ahi ay ku tageen Taiwan bilawgii sanadkan 2024.

No description available.

Tallaabooyinkan iyo qaar kale oo dahsoon oo ilo xog-ogaal ahi xaqiijinyeen marka la isu geeyo waxay muujineysaa in uu jiro shirqool uu Kulmiye u maleegayyo Doorashada la saadaalinayyo in ay ka qabsoonto Somaliland Sanadkan 2024, Shirqoolkan amma isku daygan Boobka Doorashada Kulmiye Dedaal badan ayyuu geliyey.

La soco-----

Allahernna weynbaa Arrinkiisu fulayyaaa.

Abdillahi Y. Elmi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...