Dawladaha Gobolka Geeska Africa Waa Isku Qasban Yihiin Marwalba.

Tuesday April 02, 2024 - 11:37:42
hadhwanaagnews
Somaliland, Somalia,Djibouti iyo Ethiopia intaba soomaali


Binu-adamku sidiisaba ma kala maarmo meel uu joogaba hase ahaatee nidaamyada dawladeed ayaa u yeelay xuduudo iyo xeerar aan la dhaafi karin, waxaana jira wax lagama maarmaan ka dhigaya in la iskaashado si walba oo danaha la isugu hayo.


 

Haddaba marka aad eegto dalalka Gobolka Geeska Africa oo loo yaqaano (Somali peninsula) waxa lagu sheegaa in ay yihiin shan dawladood oo kala ah ;


 

1- Somaliland

2- Somalia

3- Djibouti

4- Ethiopia

5- Erateria

 

Marka aad dhuuxdo taariikhda iyo dadka ku nool shantan dawladood waa isku mid tusaale;


 

Somaliland, Somalia,Djibouti iyo Ethiopia intaba soomaali baa leh oo deegaan rasmi ah ka ah qoomiyadaha kale ee kula nool na aad uma kala duwana dadka soomaaliyeed, waxa soo raaca inay ku nool yihiin duruufo iyo waayo isku mid ah oo gobolkani caan ku yahay sida ;


 

1- Abaaraha soo noqnoqda iyo roob yaraanta.

 

2- Koboca dadka gobolka oo aad kor ugu socda oo sababaya culeys dhaqaale .

 

3- Colaado iyo dagaalo joogto ah oo sababay hormar la'aan iyo in laga faaiideysan kari waayo khayraadka iyo deegaanada dihin ee Geeska Africa.

 

4- Dagaal ka dhan ah dawladnimada iyo horumarka oo ay wadaan dawlado shisheeye oo gobolkani hoy u noqday.


 

Haddaba marka laga yimaado arimahani waxaa jira tartan nololeed , siyaasadeed , dhaqaale , qoomiyadeed iyo kala duwanaansho diimeed oo ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee laga soo bilaabo ilaa qarnigii 16naad ilaa maanta taagan in ay ka mid yihiin.


 

Aan soo ururiyo wax walba oo jira haddana waxa jira aniga aragtideyda wax badan oo isku keen qasbaya in aynu iskaashano oo ay ugu horeeyaan;


 

1- Nabadgalyada

 

2- Horumarka, maadaama aynu nahay dad meel kuwada dhaqan .

 

3- xasiloonida mandaqada ee siyaasadeed si aan dadka gobolka kuwada dhaqani u kala xidhmin oo aan culeys u fuulin nolosha.


 

Markaa dalalka Gobolka Geeska Africa ( HOA STATES ) iyo Kenya waxay ku qasban yihiin in wax walba oo ka dhaca mandaqada aynu ku noolahay in si taxadir leh oo aragti dheer looga fekero , sidoo kale in xal loo helo arimo badan oo soddonkii sanadood ee u dambeeyay ahaa dhibaatooyin iyo caqabado haysta gobolka.

 

Mohamed Abdi Jama


Mohamed Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...