3 Xildhibaan Oo Jidh Dil & Xadhiga La'iskugu Daray Hargaysa.

Friday April 26, 2024 - 15:09:35
Hadhwanaag
"Xadhiga Muddanayaasha ayaa daba socda buuq iyo qalaalase ..."



Hargaysa (HWN) Saddex muddane oo kamid ah Gollaha Degaanka Caasimada Hargeisa ayaa la xidhay maanta, xildhibaanada la xidhay ayaana kala ah Mudane Siciid Jaamac, Mudane Cabdiraxmaan Fidaar iyo Mudane Maxamed Siikaawi.


Xildhibaan Fidaar waxa la sheegay in la garaacay oo ciidanku gacan u qadeen.
Waxa sidaasi u xaqiijiyay MMTV Xildhibaan Siikaawi oo Golaha degaanka ka tiran.
Xadhiga Muddanayaasha ayaa daba socda buuq iyo qalaalase ka dhashay Banaynta Xarunta laga dhisayo degmada 26 June oo buuq ka taagan yahay.


Ganacsato ku ganacsan jirtay dhulkan ayaa ka horyimid amar dawlada hoose ku siisay inay dhulkaasi kaga guuraan muddo kooban.
     
Loading...