Sargaal Boolisa Oo Lagu Dilay Muqdisho & Booliska Oo Ka Hadlay.

Saturday May 04, 2024 - 13:21:59
Hadhwanaag
"Afahyeenku waxa uu shegay in dilku uu ka dhacy xaafadda Dalsan "
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa wada baarista dilka sarkaal boolis ah xalay lagu dilay magaalada Muqdisho


Sarkalakan loo magcaiisu ahaa Gaashaanle dhexe, Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiin (Aden biid) ayey xalay kooxa hubeysani ku dileen magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle, Cabdifitaax Aden Xasan ayaa BBCda u sheegay in ciidanka Boolisku ay wadaan baarista dilka sarkaalkaas la dilay , lanasoo qabtay dad lagu tuhunsanyahay dilkiisa .


Afahyeenku waxa uu shegay in dilku uu ka dhacy xaafadda Dalsan ee aagga xarunta shirkadii hore ee Somali Fruit .


Afhayeen Gaashaanle Cabdi fitaax ayaa sheegay in marka ay baaristu soo dhamaato ay soo bandhi doonaan wixii natiijo ah ee kasoo baxo.


Mar aan weeydiiya sababta aaggaas oo ah meel ay ku badanyihiin ciidamada ammanka loogu geeystay dilkaas, waxaa uu afahyeenku kaga jawaabay in fal dambiyeedku uu ku dhici karo siyaabo kala duwan sidaasi darteedna ay ka warsugayaan waxa kasoo baxo natiijada barista kiiskan .


BBC
     
Loading...