Muuse Biixi oo sheegay in la maroorsaday awooddii xukuumadda iyo Cida uu ku eedeeyay.

Friday March 29, 2024 - 15:15:25
hadhwanaag
"Xukuumadda waa midda awoodda sharciyeed u leh dejinta..



Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.


 

Eedeynta Biixi ayaa imaneysa xilli uu weli Golaha Wakiilada horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.


 

Golaha oo horey u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.


 

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in golaha uusan awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore kusoo meel-mariyaan.


 

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha wakiilada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.


 

"Xukuumadda waa midda awoodda sharciyeed u leh dejinta iyo ogolaanshaha ujeedooyinka barnaamijyada dowladda iyo waxyaabaha mudnaanta miisaaniyadda dowladda la siinayo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi oo bartamahii bishan miisaaniyaddaas dib ugu celiyay Golaha Wakiilada.


 

Inkasta oo si toos ah loogu sheegin qoraalka madaxweynaha waxyaabaha goluhu kusoo kordhiyay miisaaniyadda, haddana waxaa soo baxeysa in Biixi uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo dhinacyo kale ugu dareen miisaaniyadda.


 

Dhinacyada uu goluhu ugu daray lacagta ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidan beeleedyo ka jira deegaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.


 

Ciidan beeleedyadan ayaa ah kuwo hore uu u sheegay madaxweyne Muuse Biixi in la abaabuli doono ciidamo madani ah, xilli kal hore lagu kala baxay dagaalkii Laascaanood, inkasta oo aysan weli Somaliland ka quusan dib usoo celinta deegaanada sameystay maamulka ka madax-banaan.

     
Loading...