Maayar Mooge Oo Degdeg Uga Jawaabay Kacdoon Uu Xildh. Barkhad sheegay in Samaynayo.

Friday April 26, 2024 - 14:56:33
Hadhwanaag
"Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallaya..."


Hargaysa (HWN) Maayir Mooge, ayaa degdeg ugu soo jawaabay hadal maanta uu jeediyay xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, hadalkaasi oo ahaa in uu hoggaamin doono kacdoon shacab oo danyarta la jira oo ka dhici doonaa caasimada Somaliland ee Hargaysa.

"Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallaya, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto. Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro,  DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in markale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.” ayuu yidhi maayarku.


isku jawaabida Maayar Mooge iyo Xildhibaan Barkhad ayaa ka dambaysay kadib markii qaar kamid ah ganacsatada Hargaysi ay cabasho ka muujiyeen Dawlada Hoose ee Hargaysa.
     
Loading...