Ninka ookiyaalaha madaxa u saaranyahay ee sawirka dhanka midig ka muuqdo waa Diktoor Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Diyaa'

Tuesday March 26, 2024 - 11:28:35
hadhwanaagnews
Wuu fariistay isagoo maankiisa uu ku maqanyahay odaygi ..


Kaamalladiin, waa mid ka mid ah dhaqaatiirka Wadnaha ugu fiican magaalada London, waxaa looga yeeray dalkiisa uu muddo 15 sano ah ka maqnaa si loo abaalmariyo, isagoo hoolka geli rabo ayey indhihiisa qabteen oday da’ ah oo albaabka hore wargeysyo ku iibinaya, inta uu si fiican u fiiriyay ayuu ka sii gudbay, hoolki ayuuna galay.


Wuu fariistay isagoo maankiisa uu ku maqanyahay odaygi wargeysyada iibinayay, marki loo wacay si abaalmarinta loo siiyo, masraxa ma fuuline albaabka ayuu ka baxay, dadki oo dhan ayeyna layaab ku noqotay!! Odaygi ayuu gacanta ka soo qabtay balse duqi inta iska fujiyay ayuu yiri: Wiilkeyga iska key dhaaf, mar dambe wargeys inta kuma gedayee.


Diktoorki oo codka ka xirmay ayaa yiri: Mar dambe wargeys inta ma dhigan doontide fadlan hal mar isoo raac… duqi markuu arkay in diktoorka ay ilmo ka socoto ayuu raacay, wuxuuna weydiiyay waxa ku dhacay? Marki ay masraxa fuuleen ayuu ooyin is celin waayay wuxuuna ku yiri ima fahmin miyaa ustaad Khaliilow?


Macallinki isagoo dareen uu ka muuqdo ayuu yiri: Maya wiilkeyga, kuma fahmin.


Diktoorki wuxuu yiri: Waxaan ahay ardaygaaga Diyaa’ Kaamalladiin, oo iskuulka hoose aad maadada Carabiga u dhigi jirtay, ma ilaawin sida aad ii dhiiri gelin jirtay, oo garab iigu ahayd, kadibna inta hab siiyay oo madaxa ka shumiyay ayuu abaal marintiisa gacanta ka saaray, wuxuuna jeediyay kalimad ahayd: "Raggaan ayaa istaahilo inaan abaalmarin siinno, wlh waxaan jahli noqonay oo dib u dhac inoo bilowday marki aan bahdilnay raggaan, oo xaqooda aan garan weynay, ixtiraamki ay innaga mudnaayeenna aan siin weynay!”

Xigasho Nasri Juka

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...