Booliska Oo Laba Qof Oo Lagu Dilay Muqdisho War Ka Soo Saaray.

Wednesday April 17, 2024 - 08:18:06
Hadhwanaag
"Halkan waxa lagu dilay labo marxuum, Allaha u naxariisto..."


Gudoomiye Kuuxigeenka Amniga Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho Cali Cabdi Faarax oo weriyayaasha la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay baadi goobayaan nin ku eedeysan dilka labo qof oo ehel ahaa oo saaka lagu dilay degmada.


"Halkan waxa lagu dilay labo marxuum, Allaha u naxariisto, aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxayna ahayd dhacdo ka dhalatay muran dhul oo maalmahanba taagnaaā€¯ ayuu yiri gudoomiye Cali.


Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in ay ku raad joogaan eedeysanaha, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in gacanta lagu soo dhigo,l ana horgeeyo caddaaladda.


In kastoo Muqdisho xasiloonayd sanadiyo barkii la soo dhaafay, haddana waxa dhacayay dillal bulshada dhexdeeda ka dhex dhacayay oo ciidan iyo rayidba ay ku lug lahaayeen, kuwaas oo qaarkood dad kii ku lugta laha inta la qabtay maxkamd la horgeeyay.
     
Loading...