Boqorkii Abaalka Xumaa ? (Cali Biixi)

Thursday February 29, 2024 - 17:56:02
hadhwanaag
(Maahmaah bay noqotay taariikhda lagu qori doono ).


 

 

 

Waxa jiray Boqor cidda uu la coloobo waxa uu U tuuri jiray EY

meel god ah ku xaraysan .


 

Maalintii danbe ayuu wasiirkiisii madaxtooyada la coloobay , kadibna waxa uu amray in EY-dii loo tuuro ,

 

Wasiirkii waxa uu boqorkii ka codsaday in muddo 10 casho ah la siiyo , kabacdina EY-da loo tuuro .


 

wasiirkii waxa uu u tegey askartii EY-da waxsiin jirtay ee ilaalin jirtay , waxa uu ku yidhi :

muddo 10 casho ah , ayaan fasax idin siiyay , intaana -EY-da anaa wax sii siin doona .


 

Wasiirkii halkii buu EY-dii muddo 10 casho ah ku xanaaninaayay .

 

Kabacdina wuu soo noqday maalintii ay balantu ahayd in EY-da loo tuuro .


 

Boqokii waxa uu amar ku bixiyay in wasiirkiisii madaxtooyada EY-da loo tuuro .

 

Hadaba waxa dhacday markii wasiirkii


EY-dii loo tuuray ,

EY-dii way ku soo yaacday oo gacmihiisii bay leef leeftay ,

kadibna wuu la ciyaaray .


 

Bokorkii inta uu yaabay ayaa waxa uu askartiisii ku amray in wasiirka godka laga soo saaro .

 

Kadibna waxa uu waydiiyay waxa dhacay ee ay EY-du u cuni wayday ?


 

Waxa uu wasiirkii u sheegay Boqorkii ,

in uu 10-kii casho ee uu maqnaa , uu EY-dan wax siin jiray , lana saaxiibay una shaqaynaayay ,

sidaa daraadeed EY-du waxa ay ilaawi kari waayeen 10-kii casho ee uu u adeegaayey ee uu la saaxiibay ee uu wax siin hiray.


 

ADIGOON 10 sano kuu shaqaynaayayna abaalkaagii wuxuu noqday

EY-da u tuura .


 

Markaa waxaan ogaaday in ay EY-du ku abaal dhaanto .

 

Muuse Biixaw waxaad ilawday shacabkii madaxweyne nimo kuu doortay dalka oo aad dab (dagaal sokeeye) iyo qabyaalad iyo xadhig iyi dil abaalkoodii noqday .


 

Abaal xumaa qofku ,

ma Muusoo kalaa?

(Maahmaah bay noqotay taariikhda lagu qori doono ).

 

 

Cali Biixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...