Faransiiska ayaa sheegay in ay eryi doonaan 12 xubnood oo ka tirsan diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha qunsuliyada Aljeeriya, waxayna u yeedheen safiirkooda Algiers, taas oo sii murginaysa xiisadda u dhaxaysay dalalkan mudo bilo ah.
Ku dhawaaqistan oo Salaasadii shalay lagu dhawaaqay ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii Aljeeriya ay amar ku bixisay in 12 diblomaasiyiin Faransiis ah ay kaga baxaan Aljeriya 48 saacadood gudahood.
Algeria ayaa ku dhawaaqday ceyrintan kadib markii dacwad oogayaasha Faransiisku ay dacwad ku soo oogeen saddex muwaadin oo u dhashay Algeria, oo uu ku jiro sarkaal qunsuliyadda ka tirsan, kuwaas oo lagu eedeeyay afduubka xubin aad u dhaleeceeya dowladda Aljeriya oo caanka ah Paris sannadkii hore.
Ninkan oo lagu magacaabo Amir Boukhors – aad loogu yaqaano "Amir DZ waxa uu lahaa TikTok ah oo ku xidhnaayeen in ka badan Nus malyuun taageere” – waxaana uu magangelyo ka helay Faransiiska 2023. Waxaa laga afduubay xaafad ku taal Paris bishii Abriil ee sannadkii hore waxaana la sii daayay maalintii xigtay. Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in saddexda tuhmane ay sidoo kale wajahayaan eedeymo ah "argagixiso” shirqool.
Waa markii ugu horreysay oo Faransiisku uu xidho shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Aljeeriya, taas oo muujinaysa xiisadda u dhaxaysa Paris iyo dalkii uu hore u gumaysan jiray.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa Isniintii sheegay in ceyrintan ay si toos ah ula xidhiidho xadhigga.
Wasaaradda Faransiiska u qaabilsan Yurub iyo arrimaha dibadda ayaa xustay in tallaabada Aljeeriya haddii la fuliyo ay noqon doonto markii ugu horreysay oo diblomaasiyiin Faransiis ah laga ceyriyo dalkaas tan iyo markii ay xornimada qaateen 1962-kii.
Algeria, oo soo saartay sagaal waaran oo caalami ah oo lagu soo xidhayo Boukhors oo lagu eedeeyay eedeymo ay ku jiraan wax isdaba marin iyo "argagixiso”, ayaa dalbanaysa in loo soo gacan geliyo.
Xiisadan ayaa timid wax yar ka dib markii ay dhawaan is dhaafsadeen labada dal safaaradaha. Toddobaad uun ka hor ayey ahayd markii wasiirka Barrot uu la kulmay madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, waxana uu ku dhawaaqay in xidhiidhkii laba geesoodka ahaa uu caadi ku soo noqday ka dib markii in muddo ah xurgufi dhex taalay.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo taageeray qorshaha ismaamulka Morocco ee gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed sanadkii hore jaas oo cadho ku dhaliyay Algeria. Sidaas oo kale xadhiga ay maxkamad Aljeeriya ku xukuntay Boualem Sansal qoraa Faransiis-Aljeeriya ah bishii hore oo uu Macron ku baaqay in la sii daayo ayaa isna culays keenay.