Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Qaabka Loo Xaliyay Khilaafkii G. Deegaanka Hargaysa.

Wednesday February 28, 2024 - 11:41:29
hadhwanaag
"Waxaan ku kalsoonahay inaad sii wadi doontaan shaqooyinka "



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Dawladaha Hoose ee Xisbiga WADDANI Mukhtaar Yuusuf Axmed (Mingiste) ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimaddu ku xalliyeen khilaaf soo kala dhex galay.

Sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"Masuuliyiinta Guddida Fulinta iyo Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, waxa aan ku bogaadinaya sida xilkasnimada leh ee ay  u xalliyeen khilaafkii yaraa ee soo kala dhexgalay una dhammaysteen. 


waxa aan ku faraxsanahay in aan aragno kulankiinna oo aad xal wada-jir ah ka gaadheen khilaafkii yaraa oo caqabad ku ahaa shaqada la idiin doortay.


Waxa aan rabaa in aan si dhab ah idiinka mahadceliyo sida ay idiinka go’an tahay in aad baahiyaha bulshadeena ka horumarisaan wax kasta.


Waxaan ku kalsoonahay inaad sii wadi doontaan shaqooyinka muhiimka ah ee adeegga bulshada. Midnimadiina iyo wada-shaqeyntiina ayaa lama huraan u ah guusha caasimadda"


warkan ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay ahayd ay golaha deegaanku dhankooda ka sheegeen in khilaafkaasi laxaliyay.
     
Loading...