Trump Oo Guul Ka Gaaray Doorashooyinka Horudhaca ah ee Gobolka South Carolina

Sunday February 25, 2024 - 12:21:10
hadhwanaag
"Ma aaminsani in Donald Trump uu ka adkaan karo Joe Biden"



Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doorashada horudhaca ah ee isreebreebka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka South Carolina.


Trump ayaa ka adkaaday gabadha la tartamaysay ee Nikki Haley, wuxuna gobolkan noqonayaa wadankii Trump.


Nikki Haley oo hadlaysay markii laga adkaaday ayaa sheegtay in Trump uusan u babac dhigi karin Joe Biden doorashada madaxtinimo ee la filayo in ay dhacdo Noofeembar sanad ka 2024.


"Ma aaminsani in Donald Trump uu ka adkaan karo Joe Biden” ayay tiri Nikki Haley oo Donald Trump kula tartamaysa doorashada horudhaca ah ee gudaha xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa ku tilmaamay guushiisii xalay mid cajiib ah
     
Loading...