Siyaasadda iyo akhlaaqda siyaasiga maanta joogaa laba isleh maaha .
Hadaba siyaasaddu akhlaaq ma leedahey ? tanu waa
su ‘aal
da ‘wayn oo taariikhiya oo culimadu iyo aqoon yahaniinta siyaasaddu wax badan iswaydiiyeen , wax badanna baadheen , wax badanna ka yidhaahdeen (kana qoreen) .
bal hadaba inyar ookooban aynu ka soo qaadano .
1- Siyaasaddu waa shaqo uu hogaaminayo xaakim (madaxweyne) oo uu shacabkiisa ku maamulaayo , waa nidaam siyaasiya oo uu ku siyaasadeynaayo (ugu shaqaynaayo) bulshoweynta dooratay .
waxaanay u baahan tahay XIKMAD +(garaad badan )+(indheer garadnimo)+(aqoon)+(faham aad bulshadaada fahanto)+(debecsanaan)+(hanjabaad)+(soo jiidasho) iyo sharciga oo cid kasta ka sareeya.
arimahanu waa qaar ku keeni kara siyaasiga in uu ka durko (fogaado) aasaaska akhlaaqda iyo toosnaanaantii qofnimo , WAAYO ? wax badan oo iska soo horjeeda ayay tahay in uu isku wado .
haddii caddaaladi jirto oo sharciga loo siman yahay waxanu ma dhacaan ) .
2- Aqoonyahankii (ARISTO) waxa laga soo weriyey , markuu siyaasadda qayaxaayey : SIYAASADDU WAA CILMIGA MADAXDA (madaxweynaha ) ama (hogaamiyaha ) , shaqadaasuna waxay u baahan tahay AWOODO badan oo kala duwan , oo ay ku lammaan tahay XEELADO iyo TABO fara badan , oo isugu jira qaar ka hor imanaya (khilaafaaya) AKHLAAQDA GUUD . (hadda maaha xaakimka islaamiga ah ee akhraaq diisu iyo dhaqankiisuba diinta ka soo jeedaan ) .
3- Waxa jira xidhiidho iyo heshiisyo la yaqaano oo cad oo u dhexeeya XAAKIMKA (madaxweynaha) ama (hogaamiyaha) iyo LA XUKUMAHA (bulshada ama shacabka) .
kuwaas oo DISTOORKA ku qoran , qodobadiisuna qaanuun la yaqaano yihiin .
Adigu muwaadinaw ma kala taqaanaa waxa aad xaq u leedahay ? iyo waxa xaq laguugu leeyahay ?) .
siyaasiyiintuna way kala yaqaanaan (qaarkood) , laakiin muwaadiniintu (bulshadu) ma kala taqaano , sidaa awgeed ayuu xaakimku ka faa iidaystaa (jahliga bulshada) .
Hadaba xaakimku(madaxweynuha ama hogaamiyaha) xariifka ahi , waxa uu yahay ka AQOON iyo GARAAD DHEER bulshada inteeda kale , oo qaanuun (qodob) cad oo qoran oo lagaranayo khilaaf ka horkeena ama qodob kale , isaga oo qaanuun ama qodob kale u adeegsanaya.
Waxa weeye xaakim (madaxweyne ama hogaamiye) kastaa , wuxuu geysan karaa sababina karaa , inay dhibaato siyaasadeed (musiibo siyaasadeed ) dhacdo , isaga oo daba martaynta qaanuunka adeeg sanaaya iyo distuurka aan dhamays tirnayn sida M.biixi iyodistuurka somaliland), ee leh dal daloolada aan caddayn ee kala dhiman ,
oo aan si buuxda loo lafa gurin .(ee meelo badan ka qabyada ah ) , qodobadiisuna (qaar ka mid ahi) ay aad iyo aad isaga hor imanayaan .
Matalan : qodob kastaaba qodob kale ayuu ku lamaan yahay , isaga oo ujeedadiisu aanay qayaxnayn .
Waxa taariikhda bulshada aduunka lagu hayaa , dad badan oo diiday inay siyaasadda ku biiraan (ka qayb qaataan) , iyaga oo ilaashanaaya magacooda + sumcadooda +sharaftooda , inuu kaga dhex wisikhoobo siyaasadda , mana rabaan in naftoodu ku dhex milanto siyaasadda , aan nadiifta ahayn (waa ta iminka taagan ee xukuumaddaM.biixi oo kale ) .
Qaar kale oo badanina way ka qayb qaateen siyaasadda iyo xukun kaba , dhibaatooyin badan oo ay ka shanleeyeena (isciil kaanbiyeen) way ka soo gaadhay .
Laakiin inbaa noqota siyaasi AKHLAAQ leh , in kasta oo ay adag tahay iminka , waayo? siyaasadddiibaa noqotay kayn (ay) bahalo dad cuni (mutawaxishiin ahi) ka buuxaan , oo u diyaara inay ku legdaan kuna cunaan .
sidaa awgeed , waa inaad diyaar u tahay , inaan lagu legdin , laguna cunin , adiga oo aan insaaniyadaadii (dad nimadaadii) ka tegin weliba , oo aan sidooda oo kale noqon (wuxuush) dad cun ama dhiig yo cab .
Waxa taariikhda siyaasadda soo maray , siyaasiyiin lagu sheego inay ahaayeen , siyaasiyiin waaweyn , laakiin ficillo sheydaan lahaa sida ( roosvelt -churchill - Hitler - Napoleon ) waxaanay odhan jireen :siyaasaddu waxa weeye ,
inaad sheydaanka la xulufawdo (midawdo) ama laabta gashato (ama u gasho) , mar haddii aad faa iido dalkaaga uga keenayso ama adigaba kuu keenayso .
Waxa kale oo churchill laga soo weriyey , inuu ka tuman jirey kuna qosli jirey , dadka akhlaaq wanaaga siyaasadeed ka hadla ee isku xidha , siyaasadda wanaagsan ee akhlaaqda wanaagsa xanbaarsan (huwan) .
waxa jirtay inuu Churchill (india) booqasho ku tegey , markaasuu soo booqday xabaalihii uu Gandi ku aasnaa , waxaana qabriga dushiisa ku qornaa ereyadan : halkan waxa ku aasan nin shariif ahaa (nabiil-nadiif) ahaa, oo siyaasi weyn ahaa .
Markaasaa Churchill isaga oo kaftamaaya ayaa waxa uu yidhi: waa layaab (waa cajiib) sidee laba nin loogu wada aasay xabaal qudha ?
Ujeedadiisuna waxay ahayd (nin nabiil - shariif nadiif) ah iyi siyaasi ahi ,
Qof qudha qalbigiisa kuma wada kulmaan ( ama ma wada qaado) ,
Macnuhu waxa weeye : ma jiro siyaasi nadiif ahi . (Waa aragtidiisa) .
Laakiin waxa weeye siyaasiga wanaagsani ( fiicani) waa kii umaddiisa u adeega ee u noqda daacad, una noqda addoon u shaqeeya , horumar iyo cadaalad iyo wanaag gaadhsiiya.
Ifkana ceeb ka carar (ka fogow) , aakhirona cadaab .
Ilaahay hogaamiyaasha iyo siyaasiyiinta, ha inoo hagaajiyo.
Cali Biixi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!