Wasiirka Waxbarashada oo Furay Imtixaanka Macalimiinta Ku Meel-gaadhka ee Gobolka M/Jeex.

Thursday February 22, 2024 - 10:05:26
Hadhwanaagtv
Wasiirka wasaaradda waxbaraashada iyo Sayniska..


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Camash Buuxane , ayaa furay Imtixaankii Macallimiinta ku meel-gaadhka ahaa ee gobolka Maroodi jeex , waxaana u fadhiistay imtixaankan 1,226- oo Macallin.


 

Imtixaankan ayaa ahaa kii u dambeeyay ee laga qaado Macallimiinta ku meelgaadhka ah ee Wasaaradda waxbarashada JSL, kuwaasi oo u tartami doona in ay noqdaan macalimiinta soo baxaa shaqaale rasmi ah.


 

Wasiirka wasaaradda waxbaraashada iyo Sayniska Dr: Ahmed Aadan Camash Buuxane , ayaa waxaa ku wehelinayay furista imtixaankan Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Khalid Jaamac Qodax iyo gudoomiye ku/xigeenka Hay’adda Shaqaalaha dawladda Abdilahi Faarax oo ay Weheliyaan Agaasimeyaasha guud ee waxbarashada Dr Abdirasaak Jaamac Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Khalid Mire.


 

Macallimiinta soo gudbi doona ayaa tiradoodu dhantahay ( 600 ) oo bare kuwaas si rasmi ah uga mid noqonaya Shaqaalaha Rasmiga ah ee dawladda JSL, Macalimiinta kale ee imtixaanka guulaystay balse kootada aan ku soo bixin ayaa noqonaya sugayaasha mudnaanta la siin doono marka ay timaad shaqaalaysiin kale.

     
Loading...