Wasiirka Biyaha oo soo Jeediyay in Meel looga Soo Wada-Jeesto Cadaawada ka Dhalatay Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Thursday February 15, 2024 - 10:08:37
hadhwanaagtv
Geesta kale waxa uu xusay in muwaadinkasta xil ka saaran...



Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in cadaawad badan iyo dhibaatooyin badan oo la rabo in lagu wiiqo midnimada bulshada iyo Qarannimada Somaliland, ay ka dhasheen heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.


 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland Masiirkeeda siyaasiga ah ay cid u daba fadhiisata ay tahay Sharaf darro iyo in aan laga run sheegayn gooni isu-taagii ay kaga noqotay midnimadii 60-kii.


 

Geesta kale waxa uu xusay in muwaadinkasta xil ka saaran yahay illaalinta  Somaliland.

 

Waxaanu yidhi. "Heshiiskii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya dhawaan wada galeen, waxa uu abuuray cadaawad badan oo bulshada reer Somaliland lagu soo jahaynayo, iyo dhibaatooyin badan oo la rabo in lagu wiiqo midnimada bulshada iyo Qarannimada Somaliland.’


 

Qofkasta oo reer Somaliland ahi ha ogaado in imika ay SOMALILAND u baahan tahay in gacmaha la isqabsado, xisbi kasta, ururkasta iyo cidkasta oo uu yahay.


 

Dastuurbaynu leenahay, goleyaal ayaynu leenahay, madaxweynayaal ayaynu dooranay, xisbiyo ayaynu leenahay, ururo ayaynu leenahay, nidaam shaqeeya oo kala danbayn leh ayaynu leenahay.


 

In aynu masiirkeena siyaasiga ah cid u daba fadhiisanaa waxay inagu tahay sharaf-darro iyo innaga oo aan ka run sheegin gooni u goosadkii aynu ugla noqonay isu-tagi 1960-kii.


 

Marka muwaadinkasta waxaan leeyahay xaq ayaa kaa saaran, haday tahay hawada, difaaca, xuduudaha wada noolaanshaha, midnimada, iyo ilaalinta Qarannimada guud”.

     
Loading...