hadhawanaag
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Daamanka Iyo Carabka,Iyaguba Isduqeyo,
Debnahay Qaniin,Waana Deris Jidhkenana,
2-Damqashaday Wadagaan,Kala Dudinamayan,
Dal Dadkii Wadaage,Daayin Meel Wada Dhigay.
3-Dagaalada Dhexdodiyo,Dirir Waayi Maayaane,
Degdeg Loo Dhameeyo,Dulqaadba Muhiimada,
4-Dantu Nabada Weeyaan,Daacadnimana Lagu Daro,
Dadka Shalay Lagaa Dilay,Dib Miyaad U Soo Celin,
5-Dabeecado Gaboobayo,Duniduba Ka Guurtiyo,
Doqoniimo Guun Ahba,Soomaali Dabar Jarayay,
6-Duulkii Daraad Goay,Doonta Aaristoodiiyoo,
Qaar Kale Ha Lagu Daro,Dagaalyu Dhamanine.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!