Dadka Nooli Deyn Maayo Hadal,Intuu Dunidan Guud Joogo.

Wednesday January 24, 2024 - 10:08:28
hadhwanaagnews
Doqonoow Gurguurtow,Goormaad Isdabaqaban,



Bismillah Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

1-Diyaarado La Raaciyo,Dalal Shisheeye Tegidooda,

Doolarkaad Ku Dhooftaan,Dadkaaga U Baahnaaye,


Doqonoow Gurguurtow,Goormaad Isdabaqaban,

Daniba Kan Dhaamee,Dalkiinan Maad U Dhiibtaan.


 

2-Dalkiiyaad Saxeexdaye,Qalinka Aad Ku Duugtaye.

Dunidu Wada Ogaydeed,Musana Kuu Dedadaayaad,


Diiday Maanta Leedahaye,Dareenkii Hawiyahiyo,

Doqoniimadoodiyo Demenaan Ka Soo Qaaduun.


 

 

3-Dadkiiyo Tukanayo,Diintu Waxay Mabnuucdiyo,

Dagaalama Yidhahdaa,Dumarkana U Dhoofsha,


Durbaan Beena Tumatoy,Duhurkaad Riyootaan.

 

 

4-Da'yariyo Gashaantio,Dumarkaad Doofinaysaan,


Danay Wuxu Ka Dudayee,Daaroodku Nacay Weeye,

Anigo Kuu Dagaalamay,Dib Kuu Siiyay Gobanimadan,


Dulmigii Kaa Dulqaadnayo,Dalkanu Keenay Ciydiid,

 

5-Dameer Malab La Saaroow,Doqonoow Abgaaloow,


Maadigaa Dawlad Hanan Kara,Daaqo Cun Mooyaane,

Dunidaba Wax Kama Ogide,Daarood Maad U Daysaan,


Dalku Sidan Ha Dhaamoo,Degenaan Aydin Gaadhaane,

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...