Dameerkii Bakhtiyey Iyo M.Biixi (Ali Biixi).

Sunday January 14, 2024 - 15:37:54
hadhwanaag
Sheeko xikmad leh baa waxay ahayd, nin baa Dameer lahaa aad u xoogweyn oo wax kasta ku raran jiray.

 
Ninkii baa bangiga  (Bank) tegey oo amaah bangiga ka qaatay oo dameerkii bangiga ka rahmay oo yidhi : Hadii aan bixin kari waayo amaahda :Dameer kayga qaata oo rahma. 


Maalintii danbe ayaa waxa la gaadhay xiligii ay ahayd in uu bixiyo $10-kii  Dollar ee uu bangiga ka amaahday. 


Bangigii ayuu ninkii yimi oo u sheegay in uu Dameer-kii bakhtiyay oo aanu lacagna haynin oo aanu deynkii bixin karayn. 


Ninkii bangiga ka shaqeynaayay Ayaa waxa uu u tegey ( manager-kii) maareeyihii bangiga oo uu u sheegay arrintii. 


Maareeyhii ayaa fekeray oo ninkii ku yidhi: dameer-kaagii bakhtiyay ii keen. Ninkii dameer-kii bakhtiyay ayuu u keenay. 


Maareeyihii bangiga waxa uu iclaamiyay in uu bangigu xaraashaayo dameer xoog weyn oo caafimaad qaba oo wax kasta qaadaaya. Oo $1 Dollar oo qudha la siinaayo. 100 qof ayaa soo codsaday in ay dameer-ka iibsadaan.

 
1- hal qof ayaa la yidhi ( wuu ku guulaystay xaraashkii) .
1 halkii qof ayaa maareeyihii bangiga isa soo raaceen oo dameer-kii halkii uu joogay ay yimaadeen. 


Waxay arkeen dameer-kii oo bakhtiyay. 

Maareeyihii bangiga waxa uu ku yidhi: waad aragtaa nasiib darada dhacday in dameer- Kii bakhtiyay , sidaas awgeed lacagtaadii waan kuu soo celinaynaa $ 1 halkaagii  Dollar iyo $2 -bo  dolar oo kale oo magdhaw ah. 


Maareeyihii bangiga waxa uu ku yidhi shaqaalihiisii: haddii aan ninkii dameer ka lahaa aan qabsan lahaa oo xidhi lahaa , waxba mayno ka faa'iidneen oo $ 10 Dollar ee aynu amaahinay waynu khasaari lahayn. 


Laakiin qorshahan ayaynu ka helnay oo ka faa'iidnay $87 Dollar .

Xukuumada m.kbiixi waa sidaas oo kale oo iyada aan bulshada waxba u qaban ayay isku soo sawiraan xafladaha iyo waxyaabaha ay bulshadu qabsato oo ay waxqabad xukuumada qabatay ku sheegtaan.  


Sidaas awgeed ayay cashuurta bulshada kaga gurataa. Waa khiyaamo iyo caqliga dadka lagu gumaysto. 


Hadaba hadii dadku cashuurta joojiyaan  Dameer kii Muuse Biixi halkaas ayuu ku bakhtiyilahaa. 


Cali Biixi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...