"Madaxweynaha Mustafe ayaana shacabka Deegaanka ugu baaqay inay xoojiyaan ..."
Hargaysa (HWN) Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo ka hadlay heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya & Soomaliland, ayaa sheegay In heshiiska faa'iido dhaqaale oo wayn ugu fadhiyo shacabka DDS, Albaabkana u furayo ilaha dhaqaale ee Deegaanka Soomaalida, maadaama oo Deegaankeenu hodan ku yahay xoolaha nool ee dekadaha laga dhoofiyo.
Madaxweynaha Mustafe ayaana shacabka Deegaanka ugu baaqay inay xoojiyaan ilaalinta nabada amniga iyo xasiloonida.
Heshiiskan Is-afgarad ayaa khilaaf horleh ka dhex abuuray Dawlada Somaliya iyo Somaliland, taasi oo sababay mudaharaad balaadhan oo shalay ka dhacay caasimada Somaliya ee Muqdisho, halka shacabka kunool deegaanada Somaliland-na ay kukala qayb sameen taageeradiisa.