Xiisadaha Siyaasadeed Ee Gobolka Geska Africa Oo Cirka Isku Shareeray

Tuesday January 09, 2024 - 10:18:19
hadhwanaagtv
Maamulka Muqdisho ayaa qaylo-dheer ku dhuftay ..



( Abiy Ahmed ma ka soo degi doonaa Hargeisa isaga oo Jawaab diblomaasiyadeed u diraya xasan Sheekh oo Asmara ka degay ? )


 

Is-Fahamkii siyaasadeed ee dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa gobolka Geeska Africa ka dhaliyey xiisad siyaasadeed oo weyn .


 

Maamulka Muqdisho ayaa qaylo-dheer ku dhuftay oo aduunka ugu baaqay in Ethiopia ku soo xad-gudubtay xudaadaha soomaaliya, inkasta oo aduunku og yahay in ay Muqdisho iyo Hargeisa kala madax banaanaayeen 32 kii sanadood ee ugu dambeeyay oo arinkaasi yahay sheegasho afeed haddana weedho diblomaasiyadeed oo laab qaboojin ah ayey ka heleen dawlado badan iyo urur goboleedyo.


 

Maanta waxa Erateria ka degay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud oo u muuqda in uu rabo in lala cadaadiyo Ethiopia, halka madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti Isma'el Omer Ghuelle isaga oo metelaya urur goboleedka IGAD soo saaray warqad nuxurkeedu yahay in Ethiopia iyo Somalia isku soo dhawaadaan oo xiisada la dejiyo.


 

Erateria iyo Ethiopia ayaanu cilaaqaadkoogu wanaagsanayn ilaa intii Abiy Ahmed la heshiiyey Tigray , arimahani ayaa loo sibir saarayaa in waxyaabihii kacdoonka dagaalku ka dhashayba ay sabab u ahayd bixintii Badhame iyo heshiiskii Asmara iyo Addis-ababa oo dhiig badani ku dhex daatay dagaalkooga.


 

Isku soo wada xoori Ethiopia ayaa la filayaa in ay jawaab diblomaasiyadeed kaga jawaabto safarka Asmara ee Hassan Sheikh Mohamud oo noqon karta in Abiy Ahmed Ali ka soo dego Magaalada Hargeisa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...